Home » Horyaalada » Bundesliga » War Bixin Muhiim: Abaal Marinada Lacageed Oo Ay Heleen 32-Xul Ee Koobka Aduunka Ka Qayb Qaateen:

War Bixin Muhiim: Abaal Marinada Lacageed Oo Ay Heleen 32-Xul Ee Koobka Aduunka Ka Qayb Qaateen:


FIFA Prize Money

Waxaa si rasmi a dalka Brazil loogu soo gaba gabeeyay tartanka FIFA World Cup 2014 waxaana koobkan hantan xulka Jarmalka oo markii 4-aad taariikh ahaan ku guuleestay, sidaa darteed tartankan wuxuu socday 32-maalmood waxaana kasoo qayb galeen 32-xul sidaa darteed FIFA ayaa shaaca ka qaaday abaal marinada lacageed oo ay heleen dhamaan xulalka tartankan kasoo muuqdeen waxaana xusid mudan in abaal marinta lacageed lagu saleeyay hadba xul walbo heerka uu tartankan kasoo gaaray, xulka Jarmalka oo koobka aduunka ku guuleestay ayaa lacagtii ugu badneed heleen waxayna ku guuleesteen $35m waxaana xusid mudan in Jarmalka lacagta ay haatan heleen inay 5-milyan dheer yihiin xulka Spain oo sanadii 2010 abaal marin lacageed u heleen $30m markii ay koobka qaadeen.Guud ahaan FIFA waxay xulalka tartankan kasoo qayb galay u qeebisay lacago gaarayo $576 million. Hadaba qaabkan hoos ku qoran ayaa lacagta loo bixiyay:

FIFA World Cup 2014 Xulalka Lacagta
Ka qayb qaadashada tartankan 32 xul $1.5m ayuu xul walbo qaatay
Heerka Guruubyada(Xulalka Haray) 16 xul $8m ayuu xul walbo qaatay
Wareega 16-aad (Xulalka haray) 8 xul $9m ayuu xul walbo qaatay
Wareega 8-aad (Xulalka haray) 4 xul $14m ayuu xul walbo qaatay
Xulka Kaalinta 4-aad Galay 1 xul $18m ayaa la siiyay
Xulka Kaalinta 3-aad Galay 1 xul $20m ayaa la siiyay
Xulka Kaalinta 2-aad Galay 1 xul $25m ayaa la siiyay
Guuleestaha tartankan 1 xul $35m ayaa la siiyay
Lacagta Ceymis ahaan loo bixiyay $100m
Lacagta siiyay kooxaha usoo direen laacibiintooda tartankan $70m

Hadii aan Shaxda sare ku dabaqno xulalka tartankan ka qayb qaateen sidan ayay lacagaha u heleen:

Heerka Guruubyada(Xulalka Haray) waa: Cameroon, Croatia, Spain, Australia, Ivory Coast, Japan, England, Italy, Ecuador, Honduras, Iran, Bosnia, Portugal, Ghana, Russia, South Korea dhamaantooda xul walbo min $8m  ayuu abaal marin ahaan u helay.

Wareega 16-aad (Xulalka haray) waa: Chile, Uruguay, Mexico, Greece, Nigeria, Algeria, Switzerland, USA dhamaantooda xul walbo min $9m ayuu abaal marin ahaan u helay.

Wareega 8-aad (Xulalka haray) waa: France, Colombia, Belgium, Costa Rica dhamaantooda xul walbo min $14m ayuu abaal marin ahaan u helay.

Xulka Kaalinta 4-aad Galay waa: Brazil waxay abaal lacageed u heshay $18m

Xulka Kaalinta 3-aad Galay waa: Netherlands waxay abaal marin lacageed u heshay $20m

Xulka Kaalinta 2-aad Galay waa: Argentina waxay abaal marin lacageed u heshay $25m

Guuleestaha tartankan waa: Germany waxay abaal marin lacageed u heleen $35m


Close