Home » Horyaalada » La liga » Wakiilka Toni Kroos Oo Beeniyay Wararka Xidigaan La Xiriirinaya Real Madrid

Wakiilka Toni Kroos Oo Beeniyay Wararka Xidigaan La Xiriirinaya Real Madrid


Kroos

Volker Stuth oo ah wakiilka kubad sameeyaha reer Jarmal iyo kooxda Bayern Munich Toni Kroos ayaa meesha ka saaray in xidigaan uu heshiis la gaaray Real Madrid sida ay ku warameen warar ka imaanaya Spain Maanta.

“Ma Jiraan wax heshiis ah dhexmaray Kroos iyo Real Madrid” Ayuu ku waramay Volker Stuth

Jariiradda MARCA ee Spain kasoo baxda ayaa goor hore oo maanta ah shaacisay in xidigan uu heshiis la gaaray Real Madrid isagoo saxiixay heshiis shan sano ah wuxuuna sanadii heli doonaa 5 Malyan Oo Euro.

Balse 24-jirkaan heshiiskiisa uu dhacaayo sanad kadib ayaa doonaya inuu ka tago kooxda isagoo ka madax adeegay inuu saxiixo heshiis cusub.

Kooxo badan ayaa isku haya saxiixa xidigaan reer Jarmal: Manchester United iyo Chelsea ayaana ugu horeeya inkastoo Real Madrid ay gadaal kasoo gashay.

Ugu dambeyntii Volker Stuth ayaa biyo qabow ku shubay isla markaana meesha ka saaray wax walba oo ay saxaafada Spain ka qortay xaalada Toni Kroos kaas oo wadankiisa kala qeyb galaya haatan koobka Aduunka ee Brazil ka socda.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close