Wakiilka weeraryahanka Xulka Jarmalka iyo Kooxda Bayern Munich Thomas Muller ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay in kooxda Barcelona ay dooneyso Xidgiaan heerka caalami iney geyso Camp Nou.
Wakiilka xidigaan oo lagu magacaabo Ludwig Kogl ayaa beeniyay wararka lala xiriiro in Barcelona ay dooneyso xidigaan heerka caalami ee xulka jarmalka.
“Thomas diyaar uma ahan inuu u ciyaaro Barcelona” ayuu yiri Ludwig Kogl.
Muller ayaa Barcelona kasoo muuqday 2008-2009 markaas oo uu kasoo baxay dhalinyarada kooxda.
wuxuuna sii joogi doonaa Bayern Munich ilaa 2017