Wakiilka daafaca kooxda As Roma Mehdi Benatia ayaa si shaaca ka qaadan u beeniyay wararka xidigaan la xiriirinaya inuu 37.5 Malyan Oo Pound ugu biirayo kooxda Chelsea.
Warbixino ka imaanaya gudaha Ingiriiska ayaa shaacinayay maalmihii ugu dambeeyay in kooxda Blues ay lacago badan kusoo xerogalineyso xiidgaan heerka caalami ee xulka Marocco.
Si kastaba ka sokow wakiilka xidigaan tababare Jose Mourinho ayaa ka hadlay arinta u dhaweyneysa saxiixa xidigaan reer Morocco, si cad ayuuna banaanka ugu tuuray wararkaas.
“Wararka Chelsea la xiriirinaya Benatia gabi ahaan waa been” Ayuu yiri Jose Mourinho.
Sidoo kale wakiilka xidigaan ayaa wax laga weydiiyay in Bentia uu baaqi ku ahaanayo kooxda iyo inuu ka tagayo, si cad ayuuna u qirtay in Benatia uu Olympico kasii ciyaari doono xagaaga soo aadan.
Profile