Home » Maxaa Cusub » Wakiilka Daafaca Holland Stefan de Vrij Oo Beeniyay Inuu Heshiis La Gaaray Man United

Wakiilka Daafaca Holland Stefan de Vrij Oo Beeniyay Inuu Heshiis La Gaaray Man United


Stefan de Vrij

Manchester United ayaan heshiis la gaarin daafaca xulka Holland iyo Kooxda Feynoord Stefan de Vrij sida uu daboolka ka qaaday wakiilka xidigaan.

22-jirkaan ayaa ka mid ah wiilasha uu macalin Louis Van Gaal ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay la shaaciyay inuu heshiis la gaaray kooxda Shayaadiinta cas-cas isagoo ugu wareegay 8 Malyan Oo Pound.

Si Kastaba Carl Thomas oo ah wakiilka xidigaan ayaa beeniyay arinkaas isagoo la hadlay Express: “Wax heshiis ah lama aanan gaarin Manchester United, wali lama aanan saxiixan kooxdaas”

“Ma garan karo meesha laga keenay wararkaas xanta ah, Stefan hada wuxuu dirad sarayaa oo kaliya koobka Aduunka wuxuuna doonayaa inuu si fiican u wato ciyarista koobka Aduunka” ayu mar kale yiri Carl Thomas.

Stefan de Vrij ayaa waayahiisa ciyaaraha ku qaadanaya kooxda Feynoord isagoo kasoo baxay xerada lagu xanaaneyo ciyaartoyda da’yarta ee kooxda.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Close