Sky Sports Italia ayaa xaqiijisay in wakiilka garabka xulka talyaaniga iyo kooxda Torino Alessio Cerci uu ku sugan yahay caasimada Spain ee Madrid isagoo wadahadalo la galaya kooxda Atletico Madrid.
Warbixinta ayaa intaas ku dareysa in xidigaan uu dalab ka helay kooxda uu hogaamiyo tababare Diego Simeone taas oo raadineysa iney kooxda dib u habeyn ku sameyso madama ay xili ciyaareed qurux badn soo sameeyeen.
Xidigaan reer talyaani ayaa mudo badan lala xiriirinayay kooxaha Juventus iyo Milan oo ka wada dhisan talyaaniga balse xaalka ugu dambeeya aya kusoo biyo shubtay Atletico Madrid.
Sky Sports Italia waxey kaloo xaqiijisay iney xidigaan Atletico Madrid ku qaadaneyso 12 Malyan Oo Pound.
Dhanka kale Madaxweynaha Torino Urbano Cairo ayaa la kulmay dhigiisa Milan Adriano Galliani axadii iyagoo ka wada hadlay qabkii uu Cerci ku tagi lahaa Milan.
Profile