Xiriirka kubada cagtaa duunka ee FIFA ayaa shalayto soo gudbiyay garsoorayaasha dhexdhexaadin doona kulamada Koobka Aduunka ee June 2014 ka dhici doona dalka Brazil.
Caawiyaha reer Kenya Aden Marwa ayaa nasiib u yeeshay inuu soo galo 32-garsoore oo ay FIFA u xulatay iney dhexdhexadiyaan kulamada Koobka Aduunka.
Aden Marwa ayaa ah caawiye wanaagsan oo u dhashay dalka Kenya waana markiisii ugu horeysay oo ay Fifa u yeerato.
36-jirkaan ayaa sadexdii sano ee ugu dambeysay sameeyay hormar weyn iyo kalsooni saa’id ah wuxuuna kazoo muuqday kulamo ka tirsan koobka African Cup of Nation.
Fifa ayaa markii hore 52-garsoore soo xulatay September 2011 balse si rasmi ah ayey u shaaciyeen 32-da garsoore shalayto.