Kooxda Juventus ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in wada hadaladii qandaraaska loogu kordhin lahaa halyee Andrea Pirlo uu hakad ku yimid sidoo kalena wada hadalkan lasii amba qaadi doono marka la gaaro sanadka cusub ee nagu soo fool leh, ruug cadaagan heshiiska uu haatan Juve kula joogo wuxuu ku egyahay dhamaadka xili cayaareedkan wuxuuna dhawaan dalbaday in look ala cadeeyo mustaqbalkiisa cayaareed kaasi oo ah in qandaraas cusub lagala xaajood ama la iska fasaxo marka uu xili cayaareedkan dhamaado.
34-jirkan oo sanadii 2011 kusoo biiray kooxda Juve sidoo kalena kula guuleestay labo horyaal oo xiriir ah ayaa lagu waramaa in wada hadalkii xasaasiga ah uu Juve kula jiray dib loo dhigay inkastoo aan la ogeyn sababta keentay inuu dib u dha ku yimaado go’aankii laga gaari lahaa mustaqbalkiisa cayaareed hadana wargeska Tuttosport ayaa sheegay in dhanka maamulka Juve uu hakad ka yimid waxayna doonayaan in 4-bilood ee sanadkan ka dhiman qiimeyn ku sameeyaan qaab cayaareedka Pirlo kadibna bisha Janaayo ay go’aan rasmi ah ka qaataan arinta Pirlo, inkastoo bishii hore uu xidigan ka dhawaajiyay in Juve ay tahay muhiimadiisa kowaad sidoo kalena uu rajeynaayo inuu cayaaraha ku qatimo magaalada Turin hadana waxay haatan u muuqataa in arinkaas aysan kala cadeyn madaama lala xariirinaayo kooxda Juve Xabi Alonso oo ah cayaaryahan Pirlo ku boos ah.