Home » Maxaa Cusub » Waa Maxay Sababta Macalinka Everton Roberto Martinez Looga Ganaaxay Inuu Garoomada Koobka Aduunka U Daawasho Tago

Waa Maxay Sababta Macalinka Everton Roberto Martinez Looga Ganaaxay Inuu Garoomada Koobka Aduunka U Daawasho Tago


martinez_2802203b

Macalinka naadiga Everton Roberto Martinez oo haatan ku sugan dalka Brazil ayaa waayay aqoonsigiisii uu garoomada koobka aduunka ka socdo ugu daawasho tagi lahaa waxayna FIFA macalinkan ku ganaaxeen kadib markii uu jebiyay mid ka mid ah xeerarkii u yiilay xiriirka kubada cagta aduunka, macalin Martinez ayaa dalka Brazil u tagay inuu TV-ga ESPN u shaqeeyo asigoo ka mid ah qubarda tartankan falanqeyneso wuxuuna ogolaanshoo buuxdo ka heestay FIFA inuu garoon walbo u daawasho tagi karo waxaana loo sameeyay Kaar iyo warqad uu garoomada ku gali karo balse nasiib daro macalin Martinez ayaa xeerka FIFA jebiyay kadib marki shaqsi saaxiibkiis ah uu siiyay kaarkiisa si uu ugu daawasho tago xarunta tababarka Holland iyo kulankii Holland Vs Australia inuu aqoonsigiisa garoonka ku galo!

La yaab ilaalada xarunta tababarka Holland iyo garoomada Brazil ayaa shaqsigaan qabteen waxayna arkeen inuu watay kaar iyo waraaqada uu macalin Roberto Martinez leeyahay gudiga anshaxa FIFA ayaa arinkan loo gudbiyay waxayna macalinkan ku ganaaxeen inuusan mardambe garoomada koobka aduunka u soo daawasho tagi karin sidoo kalena warqadihiisii dib ayaa looga ceshtay, TV-ga ESPN ayaa aqbaleen masuuliyada qaladka uu Martinez galay waxaana macalinkan haatanuu heestaa kaliya fursada ah inuu Istudiyaha ESPN asigoo joogo koobka aduunka ka faaloodo sidoo kale macalin Martinez ayaa raali galin ka bixiyay falkii doqonimada ahaa ee uu ku kacay dabcan inta uu koobka aduunka sodo warar badan oo kaa yaabiyo waad maqli doontaa!

Close