Home » Europe » Champions League » Waa kuwee xidigha ugu aruursiga badan koobabka laga cayaaro qaarada Yurub…

Waa kuwee xidigha ugu aruursiga badan koobabka laga cayaaro qaarada Yurub…


 Kenny Dalglish holds the Carling Cup

 Waxaa jiraan ruug cadaayaal kubada cagta mar hore isaga fariisteen welina iskoorkii ay dhigeen aan la gaarin sidoo kale waxaa jiraan xidigo weli garoomada ku jiraan sidoo kalena koobab farabadan gacanta ku dhigeen intii ay kubada cagta soo wadeen hadaba waa kuba ruug cadaayaasha ugu qaadista badan koobabka laga cayaaro qaarada Yurub:

Ryan Giggs oo ka tirsan naadiga Man United welina saaxada kubada cagta ku jiro ayaa noqday cayaaryahanka ugu aruursiga badan koobabka qaarada Yurub laga cayaaro wuxuuna laacibkan kooxdiisa Man United kula guuleestay 33-koob oo heer caalami ah welina wuxuu heestaa fursad uu ku qaado koobab kale madaama uusan garoomada faarujin 39-jirkan oo kababka uu qaaday ayaa kala ah ( 12-horyaal, 4-FA Cup, 4-League Cup, 8-Community Shield, 2-Champions League iyo min hal koob oo uu ka qaaday koobabka kala ah European Super Cup, Intercontinental Cup iyo FIFA Club World Cup).

Kenny Dalgish ayaa noqday cayaaryahanka labaad ee Giggs kusoo xigo madaama uu ruug cadaagan gacanta ku dhigay 29-koob wuxuuna la qaaday naadiyada Celtic iyo Liverpool waxayna kala yihiin (4-horyaalka Scotland ah yo 6-horyaalka England ah, 4-Scotish FA Cup, 1-England FA Cup, 4-League Cup, 1-Scotish League Cup, 5-Charty Shields, 3-koobabka Yurub ah iyo hal European Super Cup ah)

Paul Maldini Maldini ayaa noqday cayaaryahanka 3-aad ee ugu guulaha badan wuxuuna kooxdiisa AC Milan kula guuleestay 26-koob oo kala ah (7-horyaal, 5-Champions League, 5-Italian Super Cup, 5-European Super Cup, 2-Intercontinental iyo min hal jeer oo uu ku guuleestay Copa Italia iyo FIFA World Club Cup)

Xavi Hernandez waa cayaaryahanka ugu koob qaadista badan dhalinta haatan kubada cagta cayaarto waayo 32-jirkan wuxuu gacanta ku dhigay inka badan 20-koob sidoo kalena wuxuu nasiib u yeeshay inuu xulkiisa Spain la qaado sedex koob oo caalami ah, sidoo kalena Lionel Messi isna dabyar ma shidaayo madaama uu kooxdiisa Barcelona la qaaday 17-koob welina wuxuu heestaa waqti aad u dheer madaama uu 25-jir yahay waxaa suura gal ah mustaqbalka dheer inuu noqdo cayaaryahanka ugu aruursiga badan koobabka caalamka laga cayaaro!


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close