Home » Horyaalada » Bundesliga » Waa Kuwee Xidigaha Booska Kabtan Lahm Xulka Jarmalka U Buuxin Karaan?

Waa Kuwee Xidigaha Booska Kabtan Lahm Xulka Jarmalka U Buuxin Karaan?


Lahm

5-maalmood kadib markii kabtan Philipp Lahm uu xulka Jarmalka koobka aduunka u qaaday halmar ayuu si lama filaan ah dunida uga yaabiyay kadib markii uu shaaca ka qaaday inuu cayaaraha caalamiga ah isaga fariistay, 30-jirkan go’aankii uu qaatay aragtiyo kala duwan ayaa laga bixiyay qaarkood waa kuwo ku taageereen go’aankii uu Lahm qaatay halka qaar kalena ay dhaliileen madaama uu weli yahay daafaca garabka midig ee ugu wanaagsan caalamka ma ahayn inuu cayaaraha ka fariisto, hadaba dood walbo oo ku aadan mustaqbalka Lahm hadana waxaa hubaal ah in xulka Jarmalka ay siweyn u tabi doonaan daafacan waaya araga ah, sidaa darteed waxaa lasoo bandhigay xidigaha badali karaan booska Lahm mustaqbalka dhow sidoo kalena baahida Jarmalka ee garabka midig ee daafaca buuxin karaan:

Jerome Boateng (Bayern Munich)

Kevin Grosskreutz (Borussia Dortmund)

Benedikt Howedes (Schalke)

Shkodran Mustafi (Sampdoria)

Sebastian Jung (Wolfsburg)

Lars Bender (Bayer Leverkusen)


Close