Home » Horyaalada » Bundesliga » Waa kuwee weeraryahanada ugu wanaagsan qaarada Yurub xili cayaareedkan?

Waa kuwee weeraryahanada ugu wanaagsan qaarada Yurub xili cayaareedkan?


Diego Costa

Waxaa muhiim ah in marwalbo qiimeyn lagu sameeyo waxqabadka weeraryahanada ugu wanaagsan qaarada Yurub madaama ay yihiin indhaha kubada cagta sidoo kalena dawaadayaasha kubada cagta ay maanka ku hayaan in kulan walbo weeraryahan muctarif ah uu gool dhalin karo sidaa darteed waxaan idiin heynaa ilaa haatan weeraryahanada ugu wanaagsan horyaalada ugu caansan qaarada Yurub madaama ugu yaraan mudo 4-bilood ah ay socdaan horyaalada ugu xiisaha badan Yurub sida Premier League, La Liga, Bundesliga, Serie A iyo Ligue 1 hadaba waxaa hubaal ah in qiimeyn lagu sameen karo weeraryahanada ku sugan horyaaladan waxaana idiin heynaa 10-ka weeraryahan ee haatan ugu wanaagsan qaarada Yurub:

8. Radamel Falcao (AS Monaco): 11-kulan ayuu Monaco u saftay ilaa haatan wuxuuna u dhaliyay 8-gool, weliba 5-kulan ee ugu dambeesay 3-gool ayuu horyaalka France ka dhaliyay.

7. Robin van Persie (Manchester United): 5-gool ayuu United u dhaliyay 8-kulan sidoo kalena 5-kulan ee ugu dambeesay 3-gool ayuu Premiership-ka ka dhaliyay.

6. Robert Lewandowski (Borussia Dortmund): 9-gool ayuu Dortmund u dhaliyay 11-kulan ee uu saftay waxaana intaas usii dheer in 5-kulan ee ugu dambeesay uu dhaliyay 5-gool!

5. Sergio Aguero (Manchester City): 7-gool ayuu City u dhaliyay 8-kulan ee u saftay  weliba 5-kulan ee ugu dambeesay 3-gool ayuu dhaliyay.

4. Edinson Cavani (PSG): 9-gool ayuu 12-kulan xidigan ku dhaliyay sidoo kalena 5-kulan ee ugu dambeesay 6-gool ayuu dhaliyay.

3. Zlatan Ibrahimovic (PSG): 11-kulan ee uu PSG u saftay 5-gool ayuu dhaliyay sidoo kalena 5-kulan ee ugu dambeesay 3-gool ayuu dhaliyay.

2. Luis Suarez (Liverpool): 6-gool ayuu Luis ku dhaliyay 4-kulan sidoo kalena 4-kulan ee uu Liverpool u saftay waxay kooxdan dhalisay 12-gool asigoo garoonka ku jiro!

1. Diego Costa (Atletico Madrid): 13-gool ayuu kooxdiisa u dhaliyay 12-kulan oo uu kasoo muuqday la Ligaha sidoo kalena 5-kulan ee ugu dambeesay 6-gool ayuu dhaliyay!

F.G: qiimeyntan ayaa lagu saleeyay kaliya xidigaha weerarkaga kaga cayaaraan kooxaha reer Yurub ugu caansan sidaa darteed Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaan lagu darin qiimeyntan madaama aysan ahayn xidigo lambarka 9-aad kooxahooda kaga cayaaraan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close