Home » Maxaa Cusub » Waa Kuwee Shanta (5) Xidig Ee Arsene Wenger Lagula Taliyay Inuu Lasoo Saxiixdo

Waa Kuwee Shanta (5) Xidig Ee Arsene Wenger Lagula Taliyay Inuu Lasoo Saxiixdo


Arsene-Wenger-197636433

Macalin Arsene Weger fadhi uma yaalo madaama uu aqbalay inuu sanado badan Arsenal baaqi kusi ahaado ninka reer France waxaa looga fadhiyaa inuu xagaagan xidigo tayo wanagsan lasoo saxiixdo sidoo kalena uu xili cayaareedka Arsenal u qaado Premiership-ka sidaa darteed Wenger oo dareensan cadaadiska xoogan ee soo wajihi karo ayaa wada tashiyo badan sameeyay waxaana macalinkan loo sheegay in 5-cayaaryahan uu kusoo kordhiyo garoonka Emirates sidoo kalena xidigahiisa tayada wanaagsan uu ceshto, hadaba hoos kaga bogo shaqsiyaadka Wenger uu ku taamayo inuu xagaagan lasoo saxiixdo:

Loic Remy: 27-jirkan kooxda QPR ayaa iska leh milkiyadiisa waxayna Arsenal ku heli kartaa 15-milyan oo pound.

James Milner: xidiga xulka England wuxuu kooxdiisa Man City ka dalbaday in la fasaxo waxayna Arsenal dhigeeda City miiska u saartay 10-milyan oo pound.

Carlos Vela: inkastoo uu horey asigoo dhalin yar Arsenal wax u qaban waayay hadana haatan Vella waaya aragnimo ku filan ayuu leeyahay waxayna Arsenal kusoo iibsan rabtaa wax ka yar 5-milyan oo pound.

Serge Aurier: xidigan garabka midig ee daafaca kaga cayaaro naadiga Toulouse aya lagu wadaa inuu Arsenal booska Bacary Sagna u badalo waxaana 21-jirkan lagu qiimeeyaa 12-milyan oo pound.

John Ruddy: goolhayaha naadiga Norwich waxaa la filaa inuu Arsenal kusoo biiro wuxuuna buuxin doonaa booska uu baneeyay Lukasz Fabianski.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close