Marka laga hadlaayo kubad cagta xidigaha gaab gaaban ayaa lagu tilmaamaa kuwa ugu xariiftanka badan awoodna u leh inay farsamooyin cajiib soo bandhigaan tusaale waxaa kuu filan Lionel Messi, Maradona iyo Pele balse maanta waxaan idiin heynaa 10-ka xidig ee caalamka ugu dheer marka ay garoonka ku jiraan, dabcan xidigahan dhirirkooda faa’iido badan ayay ku qabaan sidoo kalena way dhici kartaa inu qasaaro u keeno madaama inta badan shaqsiyaadka dhaadheer aysan laheen orod badan. hadaba maxaa ka taqaan 10-ka laacib eee caalamka ugu dherirka badan fadlan xoogan xiisaha badan wax ka ogaaw:
Even Iverson (2.03m ama 6.8 ft): waa daafac u dhashay dalka Norway kuna qaatay mustaqbalkiisa cayaareed oo idli horyaalka Norway laga cayaaro.
Oyvind Hoas (2.03m ama 6.8ft): Waa xidig kale oo Norway u dhashay wuxuuna ka tirsan naadiga Honefoss waana weeraryahan horyaalka Norway ka dhex muuqdo.
Costel Pantilimon (2.03m ama 6.8ft): waa goolhayaha naadiga Man City wuxuuna u dhashay dalka Romania sidoo kalena xili cayaareedkan kulamo muhiim ah ayuu Premiership-ka kasoo muuqday.
Lacina Traore (2.04m ama 6 ft): weeraryahanka reer Ivory Coast haatan wuxuu amaah kula joogaa naadiga Everton waxaana milkiyadiisa leh kooxda Monaco.
Tor Hogne Aaroy (2.04m ama 6 ft ): waa xidig kale oo Norway u dhashay sidoo kalena ah weeraryahan awood badan dhalintiisa wanaagsan tahay haatana horyaalka Norway ayuu ka cayaaraa.
Peter Crouch (2.05m ama 6 ft 8.7 in): Waxaan ku tilmaami karnaa xidiga ugu magaca dheer laacibiinta dhirirka badan ee kubada cagta kasoo muuqdeen xulka England iyo naadiga Liverpool ayuu horey ugu soo cayaaray.
Yang Changpeng (2.05m – 6 ft 8.7 in): weeraryahanka reer China waa xidig awood badan sidoo kalena sanadii 2006 ayuu mudo bil ah ka tirsanaa naadiga Bolton Wanderes, haatana horyaalka China ayuu ka cayaaraa asigoo ka tirsan naadiga Meizhou Kejia.
Vanja Ivesa (2.06m – 6.9 ft): Goolhayaha reer Croatia waa shaqsi caalamka laga yaqaan madaama uu kasoo cayaaray horyaalka Jarmalka, Turkiga, Italy iyo Australia wuxuuna ka mid yahay shaqsiyaadka caalamka ugu dheer.
Paul Millar (2.07m – 6 ft 9.5 in): Xidigan haatan wuxuu ka cayaaraa heerka hoose ee dalka England asigoo ka tirsan naadiga Elgin City FC wuxuuna safka hore kaga jiraa ragga caalamka ugu dheer.
Kristof van Hout (2.08m – 6.10 ft): dabcan waa xidiga ugu dheer dhamaan xirfadlaayasha kubada cagta, haatan wuxuu ka tirsan naadiga Genk ee ka dhisan dalka Belgium goolhayahan uma baahno inuu istuuro si uu kubada u bad baadiyo mararka qaar asigoo taagan ayuu kubada celiyaa ama gacan oo kaliya ayaa taagtaa!