Charlie I’Anson waa xidig aad u nasiib badan waayo 3-sano ka hor xidigan xirfadiisa cayaareed wuxuu kusoo muujin jiray heerka 5-aad ee dalka England balse wiilkan dhalinta yar marnaba ma uusan ku fikirin xili cayaareedkan 2014/15 inuu La Ligaha Spain taariikh ku yeelan doono waayo Charlie I’Anson haatan waa xidiga kaliya ee u dhashay dalka England kaasi oo kasoo muuqan doono sanadkan horyaalka England.
21-jirkan wuxuu ka tirsan naadiga Elche balse farxadiisa intaas kuma eko waayo axada kulanka furitaanka La Ligaha Spain wuxuu kasoo muuqan doonaa garoonka Camp Nou madaama kooxdiisa Elche la cayaari doonto naadiga Barcelona.
Charlie I’Anson ayaa sheegay inuu Lionel Messi waligiis meel kula kulmin balse uu Play Station-ka ku cayaaray sidaa darteed Axada wiilkan riyo uu waligiis qalbiga ku heysan jiray ayaa u rumoobi doonto. Guud ahaan hoos kaga bogo taariikh ahaan xidigaha reer England kuwaas oo horyaalka Spain ka xamaasheen ama kasoo muuqdeen:
Laurie Cunningham (Real Madrid & Sporting Gijon, 1979-82, 1983-84), Peter Barnes (Real Betis, 1982-83), Gary Lineker (Barcelona, 1986-89), Raphael Meade (Real Betis, 1987-88).
Sammy Lee (Osasuna, 1987-89), Adrian Heath (Espanyol, 1988-89), Dalian Atkinson (Real Sociedad, 1990-91), Kevin Richardson (Real Sociedad, 1990-91), Vinny Samways (Las Palmas 1996-2002 & Sevilla 2002-03).
Mark Draper (Rayo Vallecano, 1999-00), Steve McManaman (Real Madrid, 1999-03), Stan Collymore (Real Oviedo, 2000-01), David Beckham (Real Madrid, 2003-07), Michael Owen (2004-05), Jonathan Woodgate (Real Madrid, 2005-06), Jermaine Pennant (Real Zaragoza, 2009-10).
meeye xidigi wayna ee david becham