Kabtanka kooxda Man City Vincent Kompany ayaa shaaca ka qaaday inay marar badan lasoo xariirtay kooxda Barcelona sidoo kalena uu ku sigtay inuu garoonka Camp Nou u dhaqaaqo, balse haatan wuxuu sheegay daafacan awooda badan inaysan jiri doonin fursad uu Barcelona kaga mid noqon karo madaama uu ku faraxsan yahay waqtiga uu la qaadanaayo kooxdiisa Man City wuxuuna yiri “marar badan ayaan Barcelona ku dhawaaday inaan ku biiro madaama aan xiriiro kala duwan la sameeyay balse haatan Man City ayaan ku faraxsanahay waxaana diyaar u ahay inaan sanado badan garoonka Etihad baaqi kusii ahaado”
28-jirkan haatan koobka aduunka xulka Belgium kala qayb qaadanaayo ayaa sidoo kale sheegay in Man City ay tahay naadi awood badan wuxuuna yiri “3-sano ee ugu dambeesay labo ka mid ah naga ayaa Premiership-ka ku guuleesanay midaas waxay muujinee in City ay tahay naadiga ugu awooda badan dalka England mana doonayo meel la iga jecel yahay inaan ka tago” ugu dambeyntii xidigan tayada wanaagsna ayaa sheegay in haatan qorshaha aysan ugu jirin inuu Man City ka tago madaama ay si wanaagsan isku fahmeen macalin Manuel Pelligrini wuxuuna doonayaa kooxdiisa City boosaska ka dhiman in laga dhameestiro si ay xili cayaareedka dambe loolan adag ugu gasho hanashada EPL iyo koobka horyaalada Yurub.
Profile