Tababare Vincent Del Bosque ayaa dib u dhigay xiligii uu magacaabi lahaa liiska kama dambeysta ah ee xidigaha kaga qeyb galaya koobka Aduunka kaas oo bisha soo aadan ka dhici doona Brazil.
Tababare Del Bosque ayaa haatan hesyta liis ka kooban 30-xidig waxaana laga doonayaa inuu ka tago 7-xidig si ay ugu soo harto 23-xidig oo nadiif ah.
Dhaawaca dhanka muruqa ee weeraryahanka asal brazilka ah ee Diego Costa ayaa sabab u noqday in Del Bosque uu dib u dhigo magacaabista xidigahiisa koobka Aduunka.
Macalin Del Bosque ayaa ka war dhowraya warka kasoo baxa dhaawaca dhanka muruqa ah ee Diego Costa kadib ayuu go’aansan doonaa 23-ka xidig ee Koobka Aduunka uu la aadi doono.