Home » Maxaa Cusub » [Video]: Xidigii Hore Ee Chelsea Oo Seddexley U Dhaliyey Kooxdiisa Cusub Ee Beşiktaş

[Video]: Xidigii Hore Ee Chelsea Oo Seddexley U Dhaliyey Kooxdiisa Cusub Ee Beşiktaş


1290716-27807144-2560-1440

Demba Ba ayaa sameeyey Bilow Cusub oo Wanaagsan markii uu kooxdiisa Cusub ee Turkey Besiktas uu ku caawiyey inay usoo gudubtay Uefa Champions League Play Off-ka.

Xidigii hore ee Kooxda Chelsea Ba ayaa dhaliyey seddexley kadib markii kooxdiisa ay 3-1  ku garaacday kooxda Feyenoord iyagoo celcelis ahaan kusoo baxay 5-2.

Ba ayaa dhaliyey goolka furitaanka daqiiqadii 28, wuxuuna labada gool ee kale dhaliyey 11-kii daqiiqo ee ugu dambeysay cayaarta.

Demba ayaa dhaliyey 7 Gool 33 Kulan oo Premier League ah oo uu u saftay Kooxdiisii hore ee Chelsea  Markaasoo uu kaga soo biiray Kooxda Newcastle United January 2013-kii, Laakiin wuxuu boos ka caaway Chelsea markii uu imaaday Macalinka aan sheekada qorin ee Jose Mourinho, Laakiin  mustaqbalkiisa wxuu si rasmi ah mugdi u galay markii ay kooxda Imaadeen Costa iyo Didier Drogba.

Halkaan ka daawo Sedexleydii uu dhaliyey BA Iyo Gooska Gooska Kulankaas


Close