Garsoore Amy Fearn ayey ku qaadatay inuu saxo gool sax ah lix daqiiqo inkastoo kubada ay shabaqa ka dhex baxday kulan dhexmaray kooxaha Wrexham v Kidderminster kulan ka tirsan horyaalka Wales.
Garsooraha Dhadiga ah ee Amy Fearn ayaa diiday goolka inkastoo markii dambe ay saxday madama ay la tashatay calanwadayaasha iyo sarkaalka afaraad ee garoonka.
Xidigaha Wrexham oo tusaya garsooraha meesha ay kubadu ka baxday
Wiilasha Wrexham ayaa laga diiday goolkoodii labaad markii darbo meel u dhaw goolka laga tuuray taasoo keentay iney shabaqa ka dhexbaxdo kubada waxaana la arkayaa xidigaha Wrexham oo tilmaamaya halka kubad ay ka baxday.
Garsoore: Amy Fearn
Dhacdadaan ayaan aheyn mid bilow ku ah Yurub waxaana dhacday in sadex dhibcood ay qaadato Bayern Leverkusen markii kubad shabaqa gadaal kasoo gashay loo saxay kulan Bundesliga ah inkastoo Maxkamad ku taala Jarmalka ay goor hore shaacisay iney ka codsaneyso Xiriirka Jarmalka in lagu celiyo kulankaas.
Kulankii Bayern Leverkusen ay ku dhalisay goolka been abuurka ah
Daawo Muuqaalka:
Waxaa Aqrisay: (375)
Mogadishu - Somalia
Mohamed Muse
November 18, 2013 at 1:56 PM
Hahahaha!!!! Alla qosol badanaa. Waxaan la yaabay kuwa goosha laga dhalayey oo ku sii doodaayo in gool aan laga dhalin.