Taageerayaasha Kooxda Tottenham Hotspur ayaa weeraray caawiye David Bryan xili taageerayaasha ay u dabaal dagayeen goalkii furitaanka ee Townsend uu ka dhaliyay Aston Villa oo marti loo ahaa.
Taageerayaasha ayaa sida muuqata wax Qiiqaya ku dhuftay caawiyaha garsooraha xili ay dabaal dagayeen.
David Bryan ayaa dareemay xanuun inkastoo aan go’aan laga qaadan go’aankaas qaldan ee ay ku dhaqaaqeen taagerayasha Spurs.
Muuqaalkaan ayaa laga soo duubay xiligii ay Jamaahiirta Spurs ku dhaqaaqeen ficilkaan.