Laacibka kooxda manchester van persie ayaa amaan u jeediyey sxbkiisa rooney markii xalay xidigaas uu soo bandhigay qaab ciyaareed loo riyaaqay koobka horyaalada yurub ee Champions league,waxa uu sheegay inuu rajo badan ka qabo in waqti badan ay isla sii ciyaaraan rooney.
27 heerka caalami ayaa dood saxaafada ay daabacday waxa ay hareesay mustaqbalka kooxda unitedka uu kula sii joogi karo markii dhawaan la shaaciyey inuu ka tagi doono naadiga , Chelsea ayaana suuqa ka baadi goobtay wiilka safka hore ee miisaanka leh.
Van Persia ayaa yiri ,rooney si wanaagsan buu u ciyaaray xaqiiqdii waxaan jeclahay inaan iska garab ciyaarno oo aan garoonka iskula jirno , waxa uu awoodaa inuu wax kasta sameeyo , waxa uu sameeyaa weerar , isagoo daafacna ka ciyaara waaana mid adag taas wuxuu xitaa ku wanaagsan yahay kubada dheer iyo tan gaaban aya laga xigtay chanalka kooxda MUTV xalay.
Rooney ayaa xalay u saxiixay kooxda 2 gool oo kamida 4tii gool kooxdiisu ku badisay.