Home » Maxaa Cusub » Van Persie Iyo Saxaafada Dalka Mareekanka Maxaa Kala Heesto

Van Persie Iyo Saxaafada Dalka Mareekanka Maxaa Kala Heesto


robin-van-persie-manchester-crystal-palace-premier-league_3004821

Weeraryahanka xulka Holland Robin Van Persie wuxuu gabi ahaanba lumiyay taageerihii uu ka heestay saxaafada dalka Mareekanka oo haatan ku dhawaaqday inay xidigan cadow ku ahaan doonaan inta uu koobka aduunka socdo, RVP ayaa u hambalyeeyay saaxiibkiis Nani kadib markii uu gool ka dhaliyay xulka Mareekanka kulankii ay Portugal 2-2 ku kala baxeen sidoo kale RVP oo adeegsanaayo barta Twitter-ka ayaa yiri “waan la dhacay goolkii uu Nani dhaliyay cajiib xulka USA ayuu ka naxsaday” Van Persie ayaa horey u sheegay inuu dhamaan xidigaha kooxda Man United taageeri doono hadii ay koobka aduunka gool ka dhaliyaan sidaa darteed la yaab ma ahan hadalka weeraryahankan kasoo yeeray.

Balse saxaafada dalka Mareekanka ayaa u aragto RVP arin uu shaqo ku laheyn inuu faraha la galay madaama USA iyo Holland aysan cayaar dhex marin waxayna ugu jawaabeen “curyaan Van Persie marnaba hadalkiisa lagama bad baadayo!” sidaas ayaa lagu faafiyay qoraalkan barta Twitter-ka dabcan RVP aflagaado toos ah ayaa loo geestay mana uusan ka jawaabin waxaana muuqato in xidigan waaya araga ah iyo saxaafada dalka Mareekanka uu haatan dagaal toos ah u bilaawday, Van Persie ma ahan in lala yaabo waayo sidaan oo kale ayuu saaxiibkiis Wayne Rooney ugu hambalyeeyay markii uu goolkiisii ugu horeeyay koobka aduunka uu xulka Uruguay ka dhaliyay balse markaan RVP hambalyadii uu Nani u diray jawaab uusan ku farxin ayuu kala kulmay!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close