Waxaan markale sii amba qaadi doonaa barnaamijkii aad nooga barateen kaasi oo ahaa inaan kaga hadalno hantida, mushaarka, daqliga iyo xayeysiinta soo galaan xidigaha aduunka, anagoo tixgalineyno codsiga saaxiibadeena qaaliga ah maantana waxaan diirada saari doonaa weeraryahanka xulka Holland iyo naadiga Man United Robin Van Persie iyo hantida uu leeyahay, wixii macluumaad ah hoos kaga bogo:
Lacagta saafiga ah ee uu heesto – £25 million
Mushaarka uu sanad walbo qaato - £12.2m-a-year
Todobaad walbo iyo mushaarkiisa – £180,000-a-week
Daqliga uu xayeysiinta ka helo: $2 Million
Shirkadaha uu la shaqeeyo: Nike, BT Sports
Da’da: 30-sano
Robin Van Persie xili cayaareedkii hore ayuu Man United kusoo biiray kadib markii uu isaga soo tagay kooxdii uu mudada dheer ka tirsanaa ee Arsenal, isla markiisa RVP hogaanka United ayuu la wareegay wuxuuna u horseeday ku guuleysiga Premiership-ka, haatana waa hogaamiyaha United sidoo kalna waa xidiga loogu jecel yahay garoonka Old Trafford wuxuuna leeyahay malaayiin taageero ah oo u socabo tumaan marka uu garoonka ku jiro.
RVP iyo taariikh ahaan mushaaraadkii uu qaadan jiray:
Arsenal 2004 ilaa 2009 – £1.8 million sanad walbo
Arsenal 2009 ilaa 2012– £3.5 million sanad walbo +lacago uu shirkada Adidas ka heli jiray
Manchester United 2012 – 2016 – £12.2m sanad walbo
Robin Van Persie iyo guriga uu ku leeyahay England:
1. Van Persie Goffs Oak Mansion
Van Persie wuxuu ku nool yahay ama haatan dagan yahay guri ka kooban 5-qol sidoo kalena aad u qurux badan, fadlan hoos kaga bogo muuqaalka gurikan cajiibka ah.
Robin Van Persie iyo baabuurta qurxoon oo uu leeyahay:
Audi S5 Sportback
Porsche
Retro Nissan Fiaro