
Macalinka Xulka Netherland Louis Van Gaal ayaa ka dhawaajiyey in Xavi iyo Andres Iniesta ay mudan yihiin inay uga mahd celiyaan xirfadooda shaqo maadaama uu sheegay inuu isaga wax soo baray xilli ay caawa isku aadan yihiin xulka Spain iyo Netherland.

Macalinkaan ayaa kooxda Barcelona kusoo qasaariyey seddex sano 2000-2003 wuxuuna ugu mana sheegtay inuu isaga kasoo saaray Juunyarta Barcelona uuna ka dhigay xidiggo muhiim u ah Barcelona.
” Aad Iyo aad ayaan u xasuustaa laadaan Xidigaan” sidaas ayuu u sheegay Fifa.com ” Anigana Labadaan Xiddig aad ayaan u aqaan iyagana waxay leeyihiin qadarin Bini’aadanimo wayna i yaqaanaan, Ima Iloobi Doonaan, Waan Hubaa taas, maxaa yeelay ilaa hadda way ila soo xiriiraan”
” Waxay naftooda ku sameeyeen horumarin xaddhaaf ah, ilaa markii aan isku meel wada joognay Wiilashaan – Iniesta, Xavi, waxayna Barcelona lasoo qaateen sanado badan oo guul ah”
” Sidaas darteed waxaan ku faanayaa kuna faraxsanahay inaan weli xiriir wanaagsan leenahay, waxaan gartay in wiilashaan Markii ay Barcelona B u Cayaarayeen inay mudan yihiin in la keeno Barcelona A Waana ku Guuleystay”
Hadalkaan ayaa ku soo aaday xilli Netherland ay caawa wajaheysa Spain kulan ka tirsan koobka adduunka iyadoo labada kulan ee Guruubada la yeelan doonto Australia June 18 iyo Chile June 23.