Home » Maxaa Cusub » Louis Van Gaal Oo Loo Gacan Galiyay £200 Malyan & Liiska Xidigaha Uu Doonayo Oo Lasoo Bandhigay

Louis Van Gaal Oo Loo Gacan Galiyay £200 Malyan & Liiska Xidigaha Uu Doonayo Oo Lasoo Bandhigay


gAAL

Tababare Louis Van Gaal ayaa heli doona 6 Malyan Oo Euro sanadkii inta uu tababaraha u yahay kooxda Manchester United isagoo u saxiixay heshiis 3-sano ah si uu kooxda ugu caawiyo iney dhigto taariikh hor leh kadib Sir Alex Ferguson.

Ninkaan reer Holland ayaa loo magacaabay inuu badal guuleysto u noqdo tababarihii fashilmay ee David Moyes kaas oo kooxda u hogaamiyay xili ciyaareedii ugu xumaa 24-kii sano ee laso dhaafay.

Louis Van Gaal ayaa durbadiiba ku xigeen u magacaabay Ryan Giggs, tasoo sabab u noqotay in halyeeygii Manchester United iy xulka Wales uu faarujiyo garoomada kubada cagta.

Meet the new boss: Louis van Gaal will be given £200million to revamp the Manchester United squad

Tababaraha Cusub ee Manchester United Louis Van Gaal

Bowing out: United legend Ryan Giggs, who called time on his playing career, will be Van Gaal's No 2

Caawiyaha Tababare Van Gaal & Xidigii Hore Xulka Wales iyo Kooxda Manchester United Ryan Giggs

Class of 92: The futures of United icons like Phil Neville (left) and Paul Scholes remain unlcear

Lama Hubo: Mustaqbalka Neville iyo Scholes ee Man United ula sii shaqeyn karaan oo wali aan la hubin

Kooxda ka dhisan magaalada Manchester ayaan wali go’aan ka gaarin hadii ay kooxda lasii shaqeyn karaan sadexda xidig ee wiilashii 92-dii ka md ah: Scholes, Butt & Neville.

Shaqada Louis Van Gaal ee Manchester United ayaa bilaaban doonta kadib koobka Aduunka inkastoo laga yaabo inuu si hordhac ah u bilawdo hadii xulkiisa uu ku fashilmo iney u gudbaan wareegyada dambe ee koobka.

Hadaba Macalinkaan reer Holland ayaa heysta Liis dheer oo ay ku qoran yihiin xidigo badan hadaba yaa ka mid ah:

1. KEVIN STROOTMAN 

Strootmann

Kooxda: Roma,  Qiimaha: £25m

2. CESC FABREGAS 

Gunner-be? United could go back in for Barcelona star Cesc Fabregas, who is available for sale

Kooxda; Barcelona, Qiimaha: £45m

3. TONI KROOS 

In action: United also look set to reignite their long-standing interest in Toni Kroos

Kooxda: Bayern Munich, Qiimaha: £18m

4. MATS HUMMELS 

Acrobatic: Borussia Dortmund favourite Mats Hummels is being lined up for United's new-look defence

Kooxda: Borussia Dortmund, Qiimaha: £20m

5. HOLGER BADSTUBER 

Kooxda: Bayern Munich, Qiimaha: £15m

6. LUKE SHAW 

Luke-Shaw

Kooxda: Southampton, Qiimaha: £27m,

7. SEBASTIAN JUNG 

Kooxda: Eintracht Frankfurt, Qiimaha: £7m

8. ARJEN ROBBEN

Winged wonder: Bayern Munich star Arjen Robben is being considered by his national manager as a target

Kooxda: Bayern Munich, Qiimaha: £22m

Tababare Van Gaal ayaa isku diyaarinaya inuu dhiso koox xoog badan isla markaana meel sare ka gaartay horyaalka Ingiriiska xili ciyaareedka soo aadan.

In la helo tiro intaas la eg oo xidigo ah hadana sumcad iyo magac ku leh aduunyada kubada cagta wey adag tahay waase la arki doonaa sida uu Van Gaal uga dhabeeyo kooxdiisa riyada ee Manchester United.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Hal Aragti Ayaa Laga Bixiyay: Louis Van Gaal Oo Loo Gacan Galiyay £200 Malyan & Liiska Xidigaha Uu Doonayo Oo Lasoo Bandhigay

  1. mohaa Reply

    May 21, 2014 at 2:25 AM

    Runtii waxaan ahay tageere manchester united. Waan ku faraxsanahay in tababare van gaal lamagacaabo hadana ciyaartoyda ow isha kuhaayo waa kuwiii larabey marka waxaan dhihi karaaa waxaa solabatay manuuuu marka guul sanadka dambe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close