Home » Maxaa Cusub » Van Gaal Iyo Qorshihiisa Cusub: £150m Ayuu Kusoo IIbsan Doonaa 8-Cayaaryahan!!

Van Gaal Iyo Qorshihiisa Cusub: £150m Ayuu Kusoo IIbsan Doonaa 8-Cayaaryahan!!


Van Gaal

Old Trafford hogaankiisa ni miisaan culus ayaa la wareegay mana ahan macalin kaftamaayo Luis Van Gaal waa tababare guusha saaxiib la ah sidoo kalena kooxihii uu horey usoo leyliyay xasilooni ayuu siiyay guulo taariikihi ahna wuu u horseeday haatan United waxay u baahan tahay inay macaanka Van Gaal muudsato sidaa darteed tababaraha reer Holland madaama uu hogaanka United la wareegay amarkiisa oo kaliya ayaa socon doono wuxuuna og yahay koox dafiic ah inuu la wareegay sidaa darteed Van Gaal ayaa dalbaday in £150m gacanta loo galiyo sidoo kalena 8-cayaaryahan oo aad u tay wanaagsna ayuu doonayaa in kooxdiisa lagu soo kordhiyo!

62-jirkan wuxuu doonayaa inuu ka faa’iideesto xidigaha tayada wanaagsan ee haatan United ku sugan sidoo kalena 8-cayaaryahan oo uu isaga si gaar ah u calaameestay inuu kooxdiisa kusoo kordhiyo ayuu doonayaa wararka ayaa intaas u daraayo in qaar ka mid ah xidigahaas uu lasoo saxiixan doono ka hor inta uusan koobka aduunka bilaabanin halka qaarkalena ay ku qaadan doonto soo xero galintooda marka uu koobka aduunka dhamaado, hadaba hoos kaga bogo 8-xidig ee uu macalin Van Gaal ku taamayo inuu kooxdiisa Man United kusoo kordhiyo:

Daafaca: Mats Hummels (Dortmund), Luke Shaw (Southampton),

Khadka dhexe: William Carvalho (Sporting Lisbon), Toni Kroos (Bayern Munich), Kevin Strootman (Roma),

Weerarka: Marco Reus (Dortmund, Thomas Muller (Bayern Munich),Edinson Cavani (PSG)

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close