Home » Maxaa Cusub » Uruguay Oo Gool Soo Daahay Koobka Aduunka Kaga Reebtay Italy Xili Suarez Uu Qaniinay Chiellini

Uruguay Oo Gool Soo Daahay Koobka Aduunka Kaga Reebtay Italy Xili Suarez Uu Qaniinay Chiellini


Godin

Talyaaniga ayaa ku biiray magacyada waaweyn ee ka haray sanadkaan Koobka Aduunka oo ay ku jiraan: England & Spain kadib markii guuldaro 1-0 ah kasoo gaartay Uruguay kulan xamaasad lahaa oo labada xul ku dhexmaray NATAL.

Talyaaniga ayaa u baahnaa dhibic qura si ay ugu soo gudbaan koobka Aduunka wareegiisa xiga balse guuldaro kasoo gaartay Uruguay ayaa ka rideysa iney u laabtaan gurigooda.

Ciyaarta qeybteedii dambe waxaa talyaaniga Kaarka cas ka qaatay xidiga Juventus Claudio Marchisio kadib markii uu qalad ka baxsan facilka kubada cagta kula dhaqmay xidig ka tirsan Uruguay daqiiqadii 59-aad ee ciyaarta.

Ciyaarta ayaana aheyd mid ku socota jawi dhexe balse jawiga garoonka waxaa mar kaliya badalay kabtanka xulka Diego Godin kaas oo dhaliyay goolka qura ee jooga ka riday talyaaniga.

Godin ayaa madaxeeyay koorno ka timid Luis Suarez daqiiqadii 81-aad ee ciyaarta, goolkaas ayaana u sahlay in xulka Latin America ays oo gaaraanwareega 16-ka.

Uruguay waxey kusoo baxday kaalinta labaad, halka Costa Rica ay kusoo baxday kaalinta labaad iyadoo 0-0 la gashay England.

Group D ayaa lagu kala baxay iyadoo Costa Rica ay kusoo baxday 7-dhibcood, Uruguay ayaana kaalinta labaad kusoo baxday iyadoo leh 6-dhibcood.

Magacyadii la filayay iney soo baxaan ee reer Yurub ayaana gurigooda u laaban doona waana marka England iyo Italy ay raacaan diyaaradii geyn laheyd gurigooda.

Luis Suarez ayaa intii ay socotay ciyaartii Uruguay iyo Italy dhexmartay wuxuu qaniinay daafaca talyaaniga Giorgio Cheillini inkastoo garsooraha uusan arkin.


Close