Home » Europe » UEFA oo ku abaal marisay Sir Alex, Ancelotti iyo Wenger 100-kulan oo ay leyliyeen kooxahooda (+sawiro)

UEFA oo ku abaal marisay Sir Alex, Ancelotti iyo Wenger 100-kulan oo ay leyliyeen kooxahooda (+sawiro)


Coaches (1)

Madaama inka badan 100-kulan oo koobka horyaalada Yurub ay hogaamiyeen kooxahooda macalimiinta kala ah Sir Alex Ferguson, Arsene Wenger iyo Carlo Ancelotti, xiriirka kubada cagta Yurub ayaa isla garteen in shaqsiyaadkan lagu abaal mariyo dadaalka dheeraadka ah oo ay sameeyeen sidaa darteed madaxweynaha UEFA Michel Platini ayaa ka faa’iideestay kulan sanadeedka tababarayaasha qaarada Yurub wuxuuna masuulkan abaal marin gaar ah siiyay Sir Alex, Wenger iyo Ancelotti.

 

Inkastoo Sir Alex uu goobta ka maqnaa hadana Video Conference ahaan ayuu uga qayb qaatay wuxuuna u mahad celiyay Platini iyo guud ahaan shaqada ay wadaan UEFA, Sir Alex oo dhawaan isaga fariistay cayaaraha ayaa naadiga Man United hogaamiyay 202-kulan oo tartamada Yurub ah, Arsene Wenger isagana 152-kulan oo Champion ah ayuu Arsenal hogaamiyay halka Carlo Ancelotti isagana u suura gashay inuu tartamada Yurub macalin ka noqdo 117-kulan asigoo soo kala leyliyay AC Milan, Chelsea iyo PSG haatana naadiga Real Madrid ayuu macalin u yahay.

 

Macalinka 4-aad oo isagana 100-kulan oo koobka horyaalada Yurub naadiyo kala duwan hogaamiyay ayaa ah Jose Mourinho balse ma uusan soo xaadirin xafladan wuxuuna gudoomiyaha UEFA sheegay in Jose abaal marintiis munaasabd kale lagu siin doono, inkastoo aan la sheegin xiliga rasmiga ah ee uu qaadan doono abaal marintan qaaliga ah.

 

Xafladan oo sida weyn loo agaasimay ayaa ka dhacday magaalada Nyon ee ka dalka Switzerland kadib markii sedexdan macalin la gudoon siiyay abaal marinada kala duwan waxaa si rasmi ah u furmay kulankii sanadlaha ahaa oo ay warbixin ku kala qaadanayeen macalimiinta Yurub ugu caansan, gudiga ugu sareeyo UEFA iyo madaxda garsoorayaasha UEFA waxaana laga wada hadlaayay sidii kubada cagta qaarada Yurub loo hormarin lahaa sidoo kalena loola dagaalami lahaa faquuqa iyo midib kala sooca weli ka taagan guud ahaan qaarada Yurub.

Wenger Anceloti


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close