Francesco Totti a ayaa warqad ku qori doona heshiis cusub oo waqti dheer ah si uu ula sii joogo kooxda Roma Horyaalka talyaaniga ka ciyaarta isagoo wada hadalo la bilaabay madaxda sare ee naadiga si loo dhameystiro xaalka kabtan Toti iyo Roma.
Halyeyga kooxda lagu Giallorosso ayaa hada jira da’da 36 sano waxaana uu u dabaaldagi doonaa inuu noqdo 37 sano jir maalinta ah 27 september heshiirka uu hada kula joogo kooxda ayaa ku ekaan doona xagaaga 2014ka koobka sanadka aduunka kadib , balse Roma ayaa damaceedu ahaa inay u sheegto Toti inuu kooxda sii joogi doono 12 bilood ee socota isagoona mushaar ahaan u qaadan doona sanadkii €3.5m.
Wararka qaar ayaa qoraya in laacib Totti uu Roma ka heli doono heshiis dhan 5 Sano oo uu kooxda u sii ciyaari karo waxaana qandaraaska markii dhamaado kadib loo magacaabi doonaa ambasadorka kooxda Roma.