Kooxda Tottenham ayaa dalab la yaab leh u dirtay Laacibka Waayeelka ah ee Kooxda Juventus Andrea Pirlo sida maanta lagu qoray Sports Direct News, waxaana lagu soo waramayaa in kooxda Reer London ay diyaar u tahay inay Qalinka ugu duugto Heshiis Waqti Dheer qaadanayo.
Laacibkii Hore ee Kooxda AC Milan Andre Villa Boas oo hadda 34 jir ah ayaa dalabkaan u fidiyey Pirlo, wuxuuna sheegay inuu u saxiixayo seddex sano isagoo mushaar ahaan u siinayo £12m haddii uu imaado Garoonka White Hart Lane ee kooxda Tottenham.
Pirlo ayaa hadda ku jira sanadkii ugu dambeeyey ee Heshiiska uu Kula Joogo Kooxda Juventus, waxaana lagu xantaa Macalinka Kooxda Juventus Antonio Conte inuusan Diyaar u aheyn Heshiis Cusub inaan Waayeelkaan ka saxiixdo.
Laakiin Pirlo ayaa qorsheenayo inuu galo Mastaqbal Cusub isagoo usoo hayaamo doono Horyaalka Dalka England si uu Boos uga helo Xulkiisa Italy markii la gaaro koobka Adduunka.
Kooxaha Chelsea iyo Real Madrid ayaa la sheegay inay raadinayaan Saxiixa Pirlo kaasoo 10 Sano ku qasaariyey garoonka San Siro ka hor inta uusan usoo dhaqaaqin Juventus sanadkii 2011.
Pirlo ayaa gaaray Guulo Farabadan wuxuuna kooxdiisa Juventus u saftay 93 Kulan isagoo ka caawiyey inay Hanato Horyaalka isla markaas meel fiican ay hadda ku jirto.