Goolhayaha kooxda Tottenham Hotspur ahna kabtanka xulka qaranka Faransiiska ayaa ku faraxsan inuu ku sugnaato waqooyiga Magaalada London xili ay kooxdiisa ku abaalmarisay heshiis waqti dheer oo uu kusii difaacayo sharafta kooxda Spurs ee ku ciyaarta White Hart Lane.
27-jirkaan ayaa kooxda Tottenham Hotspur kaga soo biiray Olympique Lyon 2012 wuxuuna saxixay heshiis gaaraya shan sano oo uu kusii ahanayo xidig ka tirsan Tottenham Hotspur.
“Waan ku faraxsanahay in Hugo Lloris go’aansado mustaqbalkiisa isla markaana uu saxiixo heshiis shan sano ah” Ayey u qorneed warbixin kasoo baxday kooxda Spurs.
Lloris ayaa isha ku hayay inuu isaga tago kooxda Tottenham isagoo doonayay inuu ka ciyaaro Koobka Horyaalada Yurub balse macalinka cusub ee kooxda Mauricio Pochetino ayaa ka dhaadhiciyay in Lloris uu baaqi kusii ahaado London.
Hugo Lloris ayaa xulkiisa geeyay Quatar Finalka Koobka Aduunka inkastoo ay 1-0 qasaaro ah kala soo kulmeen wiilasha Joachim Low hadana waxey muujiyeen awood iyo karti dheeraad ah.
“Waxaan la hadlay gudomiye Levy waxaan ogaa in kooxda ay hami weyn iga leedahay, Aad ayey muhiim igu tahay inaan u dareemo gurigeyga, sidoo kale qoyskeyga wey ku faraxsan yihiin, waan ku raaxeystaa xiriirka aan la leeyahay kooxda iyo taageerayasheedaba” Ayuu Hugo yiri.
“Imaanshaha Mauricio Pochettino aad ayuu muhiim u yahay waxaan dareemayaa wanaag, wuxuu leeyahay hami, wax walbana wey cad yihiin, waxaan saxiixay heshiis cusub sababtoo ah waxaan aaminsanahay isla markaana hubaa inaan natiijo faa’iido ah la imaan doono”
Ugu dambeyntii Hugo Lloris ayaa aaminsan in xili ciyaareedkaan ay meel wacan ka gaari karaan Premier League xili sanadii hore ay kaalinta 6-aaad ku dhameysteen.
Profile