Home » Maxaa Cusub » Top Ten: Tobanka Xero Ee Ugu Soo Saarista Badan Ciyaartoyda Caalamka

Top Ten: Tobanka Xero Ee Ugu Soo Saarista Badan Ciyaartoyda Caalamka


LA_MAS1

Marka la yiraahdo “Xero” yaan loo qaadan xeryaha qaxootiga iyo kuwa militariga, waxaase loola jeedaa xeroyinka lagu barbaariyo ciyaartoyda kubada cagta waxaana hogaanka u haya kooxda Barcelona oo leh xerada caanka ah ee La Masia la yiraahdo ee ku taala gobolka Catalan.

1. Barcelona (Spain)

Kooxdaan Barcelona ayaa mudnaan heshay kadib markii haatan xidigaha kooxda joogtada ka ah badankood ay kasoo baxeen xeradaan, Ku darso wiilashii isugu soo haray abaalmarinta xidiga aduunka sanadkii 2010 (Messi, Iniesta Iyo Xavi) ay kasoo baxeen kuleejada, waxaana intaas usii heer in kuleejadaas ay kasoo baxeen sidoo kale: Valdes, Cesc iyo Busquets.

2. Manchester United (England)

Kooxda Shayaadiinta cas cas ayaa noqotay kooxda kusoo xigta hogaamiyayaasha Barcelona waxaana kooxdaan xusuusteeda dib loogu celiyay David Beckham, Paul Scholes iyo Garry Nevile kuwaas oo kasoo baxay xerada kooxda Man United. sidoo kale Edward iyo Boby Charlton ayaa kasoo baxay xerada kooxda United.

3. Ajex (Holland)

Markaad maqasho magaca kooxa Ajex waxaa xusuustaada ay noqoneysaa isla markaana maankaada uuso qabanayaa: Mark Van Basten, Frank Rijkaard iyo Johan Cryuff kuwaas oo ah halyeeyo soo maray xulka Holland aduunkana wacdaro ka dhigay, kuna darso in dhamaan xidigahaas iyo sidoo kale Denis Bergkamp ay kasoo baxeen xerada kooxda Ajex Amsterdam sidoo kale weeraryahankii hore kooxda Barcelona Patrick Kulivert ayaa ka mid ah dhalinyradii kusoo barbaartay.

4. Santos (Brazil)

Santos waa kooxda ugu badan ee soo saarta ciyaartoyda dalka Brazil maadama ay soo saartay xeradaas, Pele, Robinho iyo Neymar kaas oo haatan ka mid ah wiilasha mustaqbalka wanaagsan laga filayo kubada cagta caalamka wuxuuna ka tirsan naadiga Barcelona ee dalka Spain.

5. Manchester City (England)

Kooxdaan ayaa soo gashay kaalintaan maadama ay sumcad ku leedahay gudaha England tahayna kooxda labaad ee England ugu soo saarista badan ciyaartoyda, Shaun Wright-Phillips, Micah Richards iyo Joey Barton ayaana ka mid ah wiilasha ay soo saartay kooxdaan ku ciyaarta Etihad Stadium.

6. Sporting Lispon (Portugal)

Markaad maqasho magaca kooxda Sporting waxaad xasuusan doontaa yaraanta Luis Figo iyo C. Ronaldo kuwaas oo ah wiilal magac usoo hooyay Portugal sidoo kalana laga sharfo guud ahaan caalamka labadaan xidig ee dalka Portugal ayaa ah wilal kasoo baxay xeradaas kooxda.

7. Southampton

Kooxdaan reer England ayaa sidoo kale soo gashay liiska maadama ay soo saartay wiilal hor leh sida Gareth Bale oo Real Madrid ku biiray haatan, Walcott oo Arsenal ka tirsan,Chamberlain oo isna Arsenal ka tirsan iyo daaficii hore kooxda Blues iyo Man City Wayne Bridge.

8. Arsenal

Arsenal ayaa soo gashay liiskaan maadama ay soo saartay wiilal yaryar oo Arsenal haatan ka tirsan sida: Wilshere, Gibbs, Wojciech Szczezny iyo weeraryahan Nicklas Bendtner.

9. Everton

Kooxdaan ka dhisan gobolka Mereyside-ka ayaa iyana qeyb ka ah maadama ay soo saartay hogamiyaha Man United Wayne Rooney, Jack Rodwell oo Man  City ka tirsan, Osman oo haatan Everton wali ku sugan.

10. Real Madrid:

Inkastoo xidigaha kasoo baxay xerada Castila ee Real Madrid ay leedahay aysan dunida wacdaro ka dhigin hadana magac ayey leeyihiin waxaana ka mid ah Callejon, Cambiasso, Javi Garcia iyo xidigo kale, waxaana ay soo gashay kaalinta ugu dambeysa sidoo kale Alvaro Negred oo haatan Man City ka tirsan ayaa ka mid ah wiilashii lagu soo barbaariyay xerada Castila ee Madrid


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close