Spain waa xulka koobka aduunka heesto sidoo kalena doonayo inay difaacdaan, macalin del Bosque waxaa saaran cadaadis waayo taageerayaasha reer Spain waxay doonayaan riyadii 4-sano ka hor rumooday in mar labaad xeebta Brazil ay kusoo laabato sidaa darteed macalinkan waaya araga ah 5-cayaaryahan ayuu culeeska saaran ka rajeynaa inay la qeebsan doonaan waxayna kala yihiin:
DIEGO COSTA: Hadii xidigan uu caafimaad taam ah helo waa hubaal inuu Spain guulo u hosreedi doono waa weeraryahan awood badan sidoo kalena baahi u qabo inuu tartamada caalamiga ah iska muujiyo sidaa darteed Costa ka filo inuu xagaagan Spain garbihiisa ku qaado.
IKER CASILLAS: markii 4-aad ayuu koobka aduunka ka qayb qaadan doonaa waana shaqsi marwalbo u taagan inuu Spain difaaco sidaa darteed hadii Casilaas uu qaab cayaareed wanaagsan soo bandhigo waa hubaal inuu xulkan horey usii socon doono inta uu koobka aduunka socdo.
XAVI HERNANDEZ: inkastoo uu 34-jir yahay hadana marwalbo koob aduun ninkii waaya araga ah ayaa xamili karo cadaadiska tartankan sidaa darteed Xavi sidii lagu yaqiinay hadii uu kubada u falkiyo waa hubal in Spain ah hadafkeeda gaari doonto.
ANDRES INIESTA: xidigan tayada wanaagsan 4-sano ka hor Spain isaga ayaa koobka aduunka u qaaday hadii sanadkan uu dadaal dheeri ah muujiyo sidoo kalena a Diego Costa iskaashaadan waa macquul inuu xulkiisa mar labaad ka farxiyo.
SERGIO RAMOS: weli waa 27-jir hadana xulkiisa 115-kulan ayuu u saftay sidoo kalena dhawaan ayuu Real Madrid kula guuleestay koobka horyaalada Yurub sidaa darteed Ramos daafaca Spain asiga ayaa hormuud u noqon doono waxaana laga filaa inuu xulkiisa halis walbo oo soo wajahdo uu dhabarka u dhigto!