Home » Maxaa Cusub » Top 5: Shan Xidig Kuwaas Oo Madax Xanuun Ka Qaaday Horyaalka Premier League Xili Ciyaareedkii Hore

Top 5: Shan Xidig Kuwaas Oo Madax Xanuun Ka Qaaday Horyaalka Premier League Xili Ciyaareedkii Hore


Shinji-Kagawa

Iyadoo Horyaalka Premier League uu yahay horyaalka ugu daawashada badan aduunyada ayaa hadana waxaa jirta in sanad walba ay yimaadaan wiilal hor leh kuwaas oo wax qabad muuqda kasoo muujiyay meelo kale oo yurub ah. Liiskaan lasoo bandhigay ayaa ah Shan Xidig kuwaas oo madax xanuun iyo jahawareer ka qaaday xili ciyaareedkii hore horyaalka Premier League waxaana inta badan ay yihiin kuwo kasoo hayaamay kooxahooda ama ka yimid meel ka baxsan Premier League.

1. Shinji Kagawa (Man United / Japan)

Xidiga gaaban ee Man United ayaa kaga soo biiray kooxda Dortmund xili ciyaareedkii hore wuxuuna Old Trafford ku yimid aduun dhan £17 Million. Wuxuu ahaa hogaamiyaha kooxda Brussia Dortmund wuxuuse ahaa wiil ay aaminsan yihiin Jamaahiirta Dortmund iyo Macalin Jurgen Klopp wuxuuse haatan fadhiyaa Kursiga keydka ee Moyes. Xidigaan ayaa xili ciyaareedkii hore ee Ferguson ku dhameystay Jahawareer Xoog Leh. 17-muuqaal ayuu ka sameeyay xili ciyaareedii hore 6-goal ayuuna dhaliyay waxaana ugu xusuus badneyd sadaxley uu ka dhaliyay Norwich City. Kagawa ayaa nasiib xumo ku boos noqday Wayne Rooney oo ah wiilka ay ku dhaartaan Jamaahiirta Man United waxaana xiligaan amaah kusoo codsaday Dormtund inkastoo laga diiday dalabkooda ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Shinji-Kagawa

2. Javi Garcia (Manchester City / Spain)

Kubad burburiyihii dhiig ay ku dhaq-dhaqaaqday Benfica ahaa ayaa noqday wiil fadhiya kursiga keydka Mancini xiligii hore waxaana wiilkaan £16 Million uu kaga yimid dalka Portugal sidoo kale Javi Garcia ayaa noqday mid boos looga waayay khadka dhexe isla markaana la dheelsiyay waqti badan daafaca dambe xili Kompany uu dhaawac ka ahaa City. 17-kulan kaliya ayuu saftay xidigaan heerka caalami, wuxuuna ku fashilmay inuu la qabsado Man City iyo Horyaalka Ingiriiska walo wali uu yahay kursiga keydka Man City ee macalin Pellegerini.

download

3. Gylfi Sigurdsson (Tottenham/Iceland)

Wuxuu ka mid ahaa wiilashii Swansea City baray dunida isla markaana kooxda u hogaamiyay iney kaalinta 11-aad ku dhameysato horyaalka Ingiriiska, wuxuuna qeyb libaax leh ka qaatay halgankii macalin Brandan Rodgers. Wuxuu kusoo biiray Tottenham wuxuuna noqday wiil noqon waayay dooqa koowaad ee Andre Villas-Boas wuxuu ciyaaray 12-kulan markii uu ku boos Noqday Dembele iyo Dempsey waxaana ilaa haatan uu yahay wiilka keydka ee Spurs markii ay keeneen saxiixyo cusub sida Lamela, Eriksen iyo Soldado.

Gylfi-Sigurdsson-Tottenham-vs-Watford_2811248

4. Aaron Ramsey (Arsenal/Wales)

Kubad burburiyaha haatan noqday wakiilka qadka dhexe ee kooxda Arsenal, balse xili ciyaareedkii hore ku fashilmay inuu la qabsado naadiga. wuxuuna buuxin waayay booska Wilshere uu ka dhaawacmay, wuxuu ku fahilmay inuu noqdo wiil ay aaminsan yihiin Jaamahiirta Arsenal. Kabtanka haatan ee Wales ayaa soo maray xili xun balse wuxuu wiilasha liiskaan ku jira kaga fiican yahay inuu haata yahay Indhaha Jamaahiirta Gunners.

Aaron-Ramsey

5. Gary Cahill (Chelsea/England)

Wuxuu ahaa wiil ay aaminsan yihiin Chelsea ka ciyaara daafaca qaab ciyaareed adag leh, ahna wiil diyaarsan oo aan meelna looga leexan, balse wuxuu noqon waayay dooqa macalimiintii is bad-badashay ee  Villas-Boas iyo Di Matteo waxaana laga door biday Luiz & Terry kuwaas oo noqday wiilal xaqiijistay booskooda laakiin haatan Cahill ayaa ah wiilka daafaca kaga ciyaara kaligii taliye Jose Mourinho oo dib ugu soo laabtay Chelsea.

gary-cahill-hairstyles8


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close