Liiskaan ayaa lasoo saaray kadib waxqabad iyo howlo badan oo ay qabteen qaar ka mid ah xidigo aan horay liiska loogu arkin waxaana liiskaan iska arkay markii ugu horeysay Gareth Bale oo xiligii lasoo dhaafay wax weyn u qabtay kooxda Tottenham taasoo dhaxalsiisay inuu rikoor ugu wareego Real Madrid waxaana xidigaan uu qabtay shaqo aad loola cajaa’iba, sidoo kale wiilka rikoorka Real Madrid ku dhigay ee Roberto Lewandowski iyo xidigii kala diray wiilashii Barcelona Frank Ribery ayaa liiskaan kasoo wada muuqday.
1. Lionel Messi (Barcelona)
Wali waa hogaamiyaha naadi walba oo lasoo tiriyo, waxaana ay noqotay mid iska caado ah in lagu soo bilaabo liis walba waxaana xidigaan uu xiligii hore Barcelona ka caawiyay iney ku guuleysato horyaalka dalka Spain, inkastoo uu qaaday kabaha dahabka goaldhalinta horyaalka spain, wuxuuna sidoo kale heyestaa rikoorka in afar jeer oo isku xigta la qaado Ballon D’Or iyo in 4-jeer la qaado intaba. Messi ayaanan ka bixin naadiga sanadlaha ee FIFA ay soo saarto ee naadiga ugu fiican dunida lixdii sano ee lasoo dhaafay. Sidoo kale Messi ayaa heysta rikoor ah in hal sano gudaheed la dhaliyo 91-goal. Messi ayaa kooxdiisa wax u qaban waayay markii 7-0 laba dhinacley ah lagu xaaqay xili ciyaaredkaan xili uu dhaawac ahaa inkastoo xaaladaas aysan aheyn mid wax laga qaban karay xiligaas.
2. Cristiano Ronaldo (Real Madrid)
Kabtanka Xulka Portugal iyo kooxda Real Madrid ayaa liiskaan ku jira waana xidiga kaliya ee la tartama wiilka reer Argentina sidoo kale C. Ronaldo ayaa xili ciyaareedkii hore ku guuleystay kabaha dahabka goaldhalinta Horyaalka qaarada yurub ee Champions League 12-goal ayuuna ku qaaday, inkastoo kooxdiisa uusan wax koob ah u qaadin. Ronaldo ayaa sameeyay rikoor hor leh markii 204-kulan uu u saftay kooxdiisa uu u dhaliyay 204-goal, taasoo ka dhigan in kulan walba uu goaldhalinaayay hadii si loo fiiriyo.
3. Andres Iniesta | Barcelona
Waa xidiga kaliya ee kusoo xiga labadaas wiil wuxuuna in badan Messi ka caawiyay inuu goal dhaliyo, “Wuu xariiftan badan yahay meel walba oo ka tirsan garoonkana waa tagan yahay, waana nin aysa goysmadiisa dadka fahmin, mana ahan xidigaha buuqa badan” Waa sifada laga aaminsan yahay Andreas Iniesta wuxuuna xulkiisa u hogaamiyay 2010-inuu u qaado koobka Aduunka goal soo daahay oo waqtigii dheeriga ahaa uu dhaliyay taaso Netherland guuldaro ku riday.
4. Robin van Persie | Manchester United
Hogaamiyaha xulka Holland iyo hogaamiyaha kooxda Man United ayuu isku noqday waana halyeey yaqaana sida loo dhaliyo goalka, wuxuuna United ka caawiyay iney ku guuleysato horyaalka isagoo 26-goal ku qaaday goaldhalinta kabaha dahabka horyaalka Ingiriiska, sidoo kale RVP ayaa ku guuleystay horyaalkiisii ugu horeeyay noloshiisa kubada cagta.
5. Xavi | Barcelona
Kubad sameeye Xavi dib u dhac ayaa ku yimid wuxuuna ku jiri jiray badi booska 4-aad balse RVP ayaa kaso galay kaasoo wax badan qabtay, xidigaan ayaa ah isku xiraha khadka dhexe iyo weerarka kooxda Barcelona wuxuuna awoodaa inuu gudbiyo baasaska loo maarada waayay ee la doonayo in lagu marin habaabiyo daafacyada kasoo horjeeda waana mida keentay in Lionel Messi uu sii ordo dafaca hortiisa ka hor inta uusan Xavi soo laadin kubada. wuxuu garoon lasoo galay Rivaldo, Kulivert, Ronaldinho iyo Samuel Eto’o waana waaya arag qadka dhexe ah una hogamaiyay Barcelona iney qaado horyaalka Spain xiligii lasoo dhaafay.
6. Radamel Falcao | Atletico Madrid
Coppa Del Rey ayuu u qaaday Kooxda Athletico Madrid waana ka tagay wuxuuna ku biiray naadiga As Monacco ee dalka France wuxuuna kasoo muuqday naadigii FIFA ee sanadkii 2012ka Sidoo kale wuxuu Chelsea ka qaaday koobka UEfa Super Cup isagoo dhaliye ka ahaa afar goal oo lagu xaaqay Blues.
7. Franck Ribery | Bayern Munich
Ma daale loo bogay kaas oo meel saaray wiilal loo maara waayay oo Yurub heystay mudo 4-sano ah wuxuuna u sheegay in kubada la wada yaqaan aysan kooxna gaar u laheyn awood ayuuna meel ku saaray Barcelona oo xiligaas laga saaray Champions League semi finalkiisa markii 7-0 laba dhinac ah lagu qabtay. Ribery ayaa sidoo kale ku guuleystay xidiga ugu wanaagsan horyaalada Yurub waxaana uu ka guuleystay Messi iyo Ronaldo oo la tartamayay.
8. Zlatan Ibrahimovic | Paris St. Germain
Waa hogaamiyaha kooxda PSG wuxuuna xiligii hore u hogaamiyay horyalka France sidoo kalana wuxuu ku guuleystay kabaha dahabka goaldhalinta horyaalka markii uu 27-goal dhaliyay, waana hogaamiyaha xulka Sweden.
9. Gareth Bale | Tottenham Hotspur
Haatan waa wiil Madrista ah wuxuuna xiran yahay funaanada qaaliga ah ee Los Blancos (11) wuxuuna xiligii hore muujiyay geesinimo dheeraad ah markii uu noqday xidigaha da’da yar xidiga ugu wanaagsan Premier League iyo sidoo kale Xidiga ugu wanaagsan Premier League, sidoo kale Spurs ayuu guulo badan u keenay wuxuuna isku beeciyay aduunyada ilaa ugu dambeyntii ay Madrid qaadatay.
10. Robert Lewandowski | Borussia Dortmund
Hal mar ayey magaciisa dadka dhan barteen lama wada aqoon, xitaa dadka qaarkii ma karan magaciisa balse markii uu Madrid 4-goal ka dhaliyay kulan ka tirsan Champions League ee Semi Finalka xili ciyaareedkii lasoo dhaafay. 23-goal ayuu dhaliyay 27-kulan oo uu saftay xiligii hore, wuxuuna kasoo muuqday finalki champions league ee Wembley lagu qabtay.’