Warbixintaan ayaa noqotay warbixin hadal heynteeda ay aad u badan tahay waxaana la filayaa iney noqoto mid xasaasi ah oo xiisad ka dhex dhalisa xulalka ka qeyb galaya tartankaan kaas oo lasii calaameeyay kooxaha loo maleynayo iney hiigsadaan wareegyada ugu dambeeya amaba ay qaadaan.
Liiska ayaa lagu qeexi doonaa xul walba oo ku jira qaar ka mid ah xidigaha uu ku tashanayo awoodiisa qaarada uu ka tirsan yahay iyo awooda uu aduunka kaga leeyahay sanadihii ugu dambeeyay.
10. Portugal
Dalka reer yurub ee Portugal ayaa hoos ka hogaaminaya tobankaan kooxood kuwaas oo wata ciyaariyahanka labaad ee dunida ugu qaalisan C. Ronaldo marka laga reebo Bale oo ay iibsatay isla Real Madrid xagaagan waxaana C. Ronaldo uu yahay xidiga labaad ee aduunka ugu wanaagsan marka laga soo taga Boqorka Barcelona Lionel Messi. Portugal ayaa sidoo kale heysata wiilal kale sida Nani, Moutinho, Bruno Alves, Controa, iyo xidigo kale kuwaas oo wacdaro ka muujiyay Koobkii Euro 2012 ee lagu soo dhameeyay wadamada Poland iyo Ukraine waxeyna yimaadeen Semi Final markii ay rigooreyaal kaga so gudbi waayeen xulka Spain. C. Ronaldo ayaa ah hogaamiyaha xulka Portugal waxaana la filayaa iney muujiyaan dadaal dheeri ah waxeyna qeyb ka noqdeen xulalka loo saadaalinayo tartanka ka dhici doona Brazil.
9. England:
Inkastoo xulka England uu tartamadii ugu dambeeyay meelo wanaagsan ka gaarin hadana marka la fiiriyo tayada xidigaha xulka ayaa ah kuwo aad u wanaagsan isla markaana sameyn kara isbadal muuqda, waxaana xulka England uu kusoo shirtagi doonaa Wayne Rooney, Wilshere iyo xidigo kale inkastoo ay ka maqan yihiin Rio Ferdinand iyo John Terry kuwaas oo ahaa waaya aragyo daafaca dhexe, Sidoo kale hogaamiyaha xulka Sadexda libaax ayaa ah Kabtan Steven Gerrard kaas oo laga yaabo inuu ciyaaro tartankii ugu dambeeyay ee caalami ee xulka England madama uu da’ yahay. Lama hubo in Super Frank Lampard uu kasoo muuqan doono lkn waa suuragal inuu qeyb ka noqdo liiska Hogdson waxaana loo maleynayaa in sanadka soo aadan ay sameyn doonaan isbadal muuqda.
8. Holland:
Xulka Holland ayaa kasoo muuqday liiskaan inkastoo uu waji gabax foolxun kala kulmay ciyaarihii Euro 2012 ee Poland iyo Ukraine lagu qabtay kadib markii uu keensan waayay xitaa 1 dhibic uu ku haray wareega Groupyada. Robin Van Persie oo ah hogaamiyaha xulka iyo Macalinka Xulka oo loo dhiibay Luis Van Gaal ayaa ka dhigtay Netherlands-ka xul adag oo xoog badan oo leh tayo wanaagsan. Wesley Sneijder ayaa hawada ka baxay waxaana yimid Kevin Strootman kaas oo ilowsiiyay taagerayasha xulka Orage, Wesley, Sidoo kale Van Gaal ayaa sameeyay isbadal wanaagsan oo dhanka xidigaha wuxuuna wali weerarka u wataa Klaas Jan Huntelaar, sidoo kale Arjen Robben oo sanadkii lasoo dhaafay wacdaro ka dhigay Europe ayaa qeyb ka noqon doona Xulka Holland. Van Gaal iyo wiilashiisa ayaa leh rajo wanaagsan inkastoo la xasuusto iney finalka koobka aduunka yimaadeen 2010-kii markii ay qasaaro soo daahday kala kulmeen xulka awooda badan ee Spain.
7. Belgium:
Xulka Belgiumka ayaa hawada mar kale kusoo laabtay kaas oo hawada laga waayay mudo badan waxaana lagu xasuustaa wacdarihii uu dhigay koobkii aduunka ee 2002-da, balse wiilal cusub ayaa u yimid kuwaas oo ka dhigay xulkaan mid qiimo ku leh qaarada yurub iyo sidoo kale hadal heynta koobka aduunka ee Brazil lagu qaban doono. Hazard + Fellaini + Vertongen + Benteke ayaa ka dhigtay xulka mid adag inkastoo ay jiraan wiilal kale oo uu ka mid yahay Mignolet-ka goalka u qabta Liverpool, Benteke oo k tirsan Aston Villa Lukaku oo amaah kaga maqan Chelsea, Kevin De Bruyne oo chelsea dhexda kaga ciyaara sidoo kale goalhayaha da’da yar ee kooxda A. Madrid Courtious oo ay leedahay Chelsea taas ayaana ka dhigtay Belgium xul adag oo lagu aamini inuu wax muuqdo ka qaban karo koobka aduunka ee soo aadan dhamaan wiilashaan ayaa muhiim u ah kooxahooda waxaana sidoo kale ku jira xulkaan, Thomas Vermalean iyo Kompany.
6. France:
Inkastoo waayihii xulka France ay u dambeysay 2006-dii markii uu ku guuldareystay in uu ku guuleysto koobkii aduunka ee xiligaas lagu qabtay Jarmalka markii ay guuldaro rigooreyaal ah kala kulmeen xulkii uu hogaminaya Marcello Lippi ee Italy. France ayaa sidoo kale kasoo qeyb gashay dhamaan tartamadii kale lkn awodi weysay iney meel wacan tiigsato. Franck Ribery ayaase sanadkaan ka dhigi doona xul xoog badan inkastoo awoodiisa uu tusay aduunyada sanadkii dhamaaday markii uu Bayern u qaaday 3-koob oo muhiim ah soo koritaanka Kubad sameeyaha Juve Paul Pogba ayaase sidoo kale ka dhigi karta France mid xoog badan sidoo kale France ayaa heleysa werarayahan kale maadama mudo badan ay heysatay oo kaliya Karim Benzema waxaana labeyn doona Giroud oo arsenal ka tirsan. Rajada France ee koobka aduunka ayaa iska ah heerkaas.
5. Argentina:
Ma Jirin awood muqata oo ay leeyihiin xulka America kasoo jeeda ee Argentina ka hor soo koritaanka Lionel Messi taasoo ka dhigtay mid cabsi ku abuurta wadamada kale, wey jirtaa iney 2006 koobkii aduunka ee lagu qabtay jarmalka ay soo gaareen heer fiican laakiin Argentina ayaa la aaminsan yahay iney idhaha ku kala qaadeen Messi. cawaaqib xumo ay kala kulmeen Uruguay koobkii Latin America ee 2011-kii iyo Foolxumadii Koobka aduunka ee 2010-kii markii ay 4-0 qasaaro ah kala kulmeen xulka awood badan ee Jarmalka ayaase ka dhigtay mid daciif ah “Maradona ayaa sabab u ahaa dhaawicii soo gaaray Argentina” dad badan ayaa qaba hadalkaas, dhinaca kale imaanshaha khadka dhexe ee Mascherano + Gago iyo weerarka xooga badan ee Higuain, Palacio, Messi, Di Maria, Tevez iyo Aguero ayaa ka dhigi doonta wax weyn inkastoo daafacooda uu yahay mid culus, Campagnaro oo Inter ka tirsan Zapaleta oo isna Man City ka tirsan. “Messi ayaa wax u qaban waayay xulkiisa 2010″ laakiin laga filaayo inuu 2014 wax badan qabto madama lagu ciyaari doono qaaradii uu ku dhashay.
4. Italy:
“Wey nasiib badan yihiin ciyaartoydoodana tayo ma lahan, waana wadan ku socda qibrad macalinimo iyo qiyaano” dad badan ayey fikirkoodu tahay balse Italy ayaa ah xulka ugu koobabka badan yurub dhanka koobka aduunka iyadoo heysata 4-koob. Fabio Cannavaro ayaa noqday kabtankii ugu dambeyay ee Italy u qaada koobka aduuna 2006-dii. Prandelli ayaa xulka ka dhigay xul xoog badan inkastoo wali ay wataan waayeelo hore sida: Buffon iyo Pirlo hadana meelo wanaagsan ayey soo gaareen koobkii Euro 2012 iyagoo yimid Final, balse ay foolxumo kala kulmeen Spain, sidoo kale xulkaan ayaa raacay wadadii France ee 2002-dii markii ay noqdeen xul difaacanayay koobka isla markaana ku haray wareega Groupka Italy ayaana sameesay 2010 iyadoo ku hartay wareega Groupka markii ay qaadeen 2006-dii. Dhibka ugu weyn ee soo wajahi kara ayaa ah cunsuriyada Balotelli oo noqotay fursad looga faa’ideyan karo xidigaan madama uu caroonayo.
3. Spain
“Kubadooda waa la fahmay waxeyna wataan xidigo ayaan kusoo jiray kubada cagta, waxeyna ka jilacsan yihiin hore iyo daafaca dambe” warar ah ayaa soo baxay oo la isla dhexmarayo waana meesha ay dad badan u fahmeen in farsamadii Spain gabogabo ku dhawdahay kadib fashilkii ay ku dhaceen Confederation Cupkii markii ay Finalkii ku lumiyeen 3-0 oo ay Brazil kala kulmeen sidoo kale dad badan ayaa aaminsan in Spain ay tahay Barcelona, halka kooxda Barcelona ay sanadkii lasoo dhaafay gashay xaalad xun. Spain ayaa wali ah xulka ugu wanaagsan aduunka madama ay qaaday sadex koob oo muhiim ah mudo 4-sano ah waana xul dhigay rikoor cusub waana wadamada looga cabsi qabo koobkaan. Xavi iyo Iniesta ayaa ka dhigan iney sii dhamaanayaan mana loo maleynayo iney soo bixi doonan wiilal sidooda kale u ciyaara. Spain ayaase ah xulka difaacanaya ku darso wuxuu yaqaan sida loo difaacdo koob muhiim ah.
2. Brazil
Waxey heystaan wiilal yar oo aan daalin, racasho badan kuna darso iney heystaan macalin Luis Flippe Scolari oo ah macalinkii u qaaday koobka aduunka ee 2002-dii lagu soo gabgabeeyay Koofur Korea iyo Japan. imaanshaha Neymar ee yurub ayaana xowli usii yeeli doonta awooda Brazil. Sidoo kale Xulka ayaa fahmay qaab ciyaareedka 4-5-1 oo ay ugu dambeysay 2002 markaas oo weerarka kaliya oo ay wataan uu ahaa Ronaldo balse haatan Scolari ayaa soo celshay iyadoo boosaska dambe ee khadka dhexe ay ahaayeen Edmilson iyo Gilberto haatana ay wataan Gustavo iyo Paulinho oo ah wiilal da’yar oo aan caadi aheyn. Brazil ayaase heysata xidigo badan iyadoo guul kasoo hoysay koobkii ugu horeeyay ee Flippe Scolari hogamiyo markii ay garaaceen Spain. Brazil ayaasse dib usoo ceshatay awoodii iyo sumcadii dunida sida dad badan ay qabaan.
1. Germany:
“Waa Xul adag watana xidigo qiimo leh isla markaana loo saadaalin karo ku guuleysiga koob walba, laakiin nasiibkooda ayaa xun oo koob nasiib uma laha” Ayaa ah fikirka laga aaminsan yahay xulka Jarmalka. Mesut Ozil, Mario Gotze, Marco Reus, Bastian Schweinistieger, Toni Kroos, Lahm, Schamelzer, Neuer, Gundagon, Khedira, Klose, Hummels ayaa ah wiilal si wanaagsan loogu yaqaano kubad wanaagsan balse Euro ayey kasoo qeyb galeen waxeyna qasaaro aan loo maleysan kala kulmen Italy oo 2-0 ku garaacday Semi Finalka tartanka. Germany oo wadata Klose, Ballack iyo goalhaye Lehman iyo xidigo badan ayey qasaaro kala kulmeen Italy sanadkii 2006-da sido kale 2010- ayey qasaaro kala kulmeen Spain laakiin waxaa lagu yaqaan in tartan walba ay soo gaaraan Semi Final. “Nasiibka Germany oo hagaaga isla markaana noqda mid wanaagsan wadamada yurub iyo aduunkaba waxaa ku dhici laheed koob la’aan”