Home » Horyaalada » La Liga Spain » Toni Kroos Oo Noqday Xidiga Ugu Kubad Dhiibita Badan Real Madrid Xili Cayaareedkan!!

Toni Kroos Oo Noqday Xidiga Ugu Kubad Dhiibita Badan Real Madrid Xili Cayaareedkan!!


Kroos

Inkastoo Toni Kroos uu khadka dhexe gaar ahaan daafaca Real Madrid caawiyo hadana xidiga xulka Jarmalka ka tirsan ayaa kusoo baxay laacibka quudiyo xidigaha Madrid madaama uu noqday xidiga ugu kubad dhiibista badan kooxdan xili cayaareedkan.

Kroos goolkii ugu dambeeyay wuxuu ka caawiyay inuu dhaliyo Sergio Ramos tartanka naadiyada aduunka wuxuuna daafaca Madrid la helay madaxa kubad uu soo laaday Kroos.

25-jirkan ayaa ilaa haatan dhiibay 10-kubadood oo ay xidigaha Madrid dhaliyeen xili cayaareedkan (7-kubadood La Ligaha, 2-kubadood Champion-ka iyo 1-kubad FIFA Club World Cup).

Kroos mudo 4-bilood ah ayuu Madrid ku sugan yahay wuxuuna haatan kusoo baxay xidig aysan ka maarmin kooxda Real Madrid weliba 25-kulan ayuu u saftay dhamaan tartamada kala duwan.

Kroos waxaa la wadaago dhanka kubad dhiibista Karem Benzema oo isaga baasay 10-kubadood sidoo kalena Cristiano Ronaldo ayaa sanadkan lasoo baxay deeqsinimo dheeraad ah madaama uu isagana dhankiisa baasay 9-kubadood.

Macalin Carlo Ancelotti ayaa amaan balaaran usoo jeediyay Kroos wuxuuna ku tilmaamay xidig dhan walbo ka dhameestiran kuna haboon shaxda uu cayaaro qaab difaac iyo qaab weerarba, wuxuuna Kroos kulan walbo kubada baasaa ugu yaraan 57-jeer!!

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>