Madaama horyaalada Yurub ay soo gaba gaboobeen xidigaha Yurub ugu caansan waxay fursad u heleen inay qoyskooda waqti la qaataan ama ka nastaan kubada cagta iyo dhibkeeda sidaa darteed waxaan idiin heynaa laacibiinta Yurub ugu caansan iyo dhaq dhaqaaqa ay sameeyeen, maantana waxaan si gaar ah idin kugu heynaa war bixino kooban oo ku saabsan xidigaha kala ah Mario Balotelli, Sergio Ramos, Raheem Sterling, Karem Benzema iyo Arsenal:
Sergio Ramos Oo Waqti La Qaatay Xaaskiisa Iyo Wiilkiisa Ifka Dhawaan Kusoo Biiray:
Daafaca kooxda Real Madrid oo isku diyaarinaayo kama dambeesta koobka horyaalada Yurub ayaa todobaadkan fursad u helay inuu waqti la qaato xaaskiisa Pilar Rubio iyo wiilkiisa Sergio Ramos Rubio oo dhawaan ifa kusoo biiray wuxuuna wiilkan dhashay 7-bishan May, xidigan oo aad u faraxsan ayaa barta Twitter-ka soo dhigay sawirka sare ka muuqdo.
Mario Balotelli Oo Soo Bandhigay Kabaha Keyd Ahaan Aqalkiisa U Yaalo: Super Mario oo ah nin faan badan sidoo kalena jecel maalin walbo inuu fagaaraha lasoo galo labis cusub ayaa soo bandhigay muuqaal qosol badan kaasi oo ah kabaha aqalkiisa yaalaan ee uu isaga leeyahay, tani waxay muujinee in xidigan kabaha ay ka bateen tolow siduu yeelaa kabahan faraha badan!
Xidigaha Arsenal xaasaskooda ayaa garoonka Emirates bileen kadib guushii FA Cup-ka: Gabdhaha quruxda badan ee xidigaha kooxda Arsenal ayaa bileen garoonka Emirates kadib markii ay muujiyeen sida ay u taageersan yihiin guusha ay gaareen saaxiibadooda sidaa darteed qaar ka mid ah xidigaha Gunners-ka xaasaskooda ayaa fagaaraha kasoo muuqdeen ayagoo aad u faraxsan waxaana sawirka sare ka muuqdo uu muujinaa xaasaska xidigaha Bacar Sagna, Laurent Koscielny, Jack Wilshere, Thomas Vermaelen, Lukasz Fabianski, Tomas Rosicky, Santi Cazorla, Mikel Arteta, Sagna iyo Olvier Giroud.
Raheem Sterling Iyo Dalxiiskiisa gaarka ah: xidiga Liverpool ayaa todobaadkan dalxiis kooban galay wuxuuna soo bandhigay sawir muujinaayo sida uu nasiino ugu baahnaa madaama uu xili cayaareedkan si adag u shaqeeyay sidoo kalena uu kooxdiisa Liverpool u suura galiyay inay koobka horyaalada Yurub dib ugu soo laabato mudo 5-sano kadib.
Karim Benzema Oo Jaceelkiisa cusub soo bandhigay!: Gabadha Spanish-ka ah Marta Riesco sidoo kalena ah wariye ku nool magaalada Madrid ayaa kusoo biirtay nolosha Karem Benzema inkastoo xidigan uusan jeleesanin in xiriirkaan shaaca laga qaado hadana saxaafada dalka Spain oo aan waxba qarinin ayaa soo bandhigtay! tolow Benzema maxaa u dambeyn doono madaama xaaskiisa sidoo kalena gabah u heyso ay ka carootay?