Home » Maxaa Cusub » Todobaadkan iyo nolosha xidigaha: C. Ronaldo, Pique, Puyol, Rooney iyo Leanardo

Todobaadkan iyo nolosha xidigaha: C. Ronaldo, Pique, Puyol, Rooney iyo Leanardo


 photo sergio-ramos_zps521ee6ff.jpg

Markale iyo barnaamijkeenii nolosha xidigaha aduunka ayaan idiin heynaa gaar ahaan 7-maalmood ee ugu dambeesay wax yaabihii u qabsoomay marka laga soo tago cayaarista kubada cagta, waxaana ku bilaabaneynaa daafaca naadiga Real Madrid Sergio Ramos iyo saaxiibtiis Pilar Rubia, xidigan ayaa soo galiyya sawirkan barta Twitter-ka asigoo la casheynayo saaxiibtiisa qaaliga ah, inkastoo waqti macaan ay isla qaateen labadan lamaane hadana waxay madax xanuun ka qaadeen in magaalada Madrid oo ay ku nool yihiin looga guuleestay martigalinta galinta cayaaraha Olympicada aduunka sanadka 2020 waxaana ku guuleesatay magaalada Tokyo.

 photo boda-leo-ok_zps1ab676b2.jpg

Agaasimihii hore ee naadiga PSG Leonardo ayaa isna todobaadkan si rasmi ah u aqal galay wuxuuna guursaday gabadha u shaqeyso Sky Sport Italia waxaana wada xasuusanaa in sanadkii hore uu guur ka dalbaday gabadhan ayadoo wareysi ka qaadeyso. Anna Billo iyo Leonardo ayaa ku aqal galeen magaalada Milan waxaana xafladan kasoo qayb galeen Leonardo saaxiibadiisa sida sawirka ka muuqato ragga goob jooga u ahaayeen waxaa ka mid ah Luiz  Ronaldo , Kaka, Marco Boriello, Serginho, Costacurta iyo gudoomiye ku xigenka Milan Adriano Galliani iyo wakiilka Mario Balotelli oo lagu magacaabo Mino Raiola.

 photo lorenzopuyol_zps1e876317.jpg

Kabtanka naadiga Barcelona Carles Puyol ayaa isna ka dhawaajiyay in goordhow uu aabe noqon doono madaama gacalisadiisa Vanessa Lorenzo ay uur leedahay, labadan lamaane oo aad ugu faraxsan nolosha ay wada qaadanaayaan ayaa si rasmi ah u sheegeen in bisha Janaayo ubadkooda dhalan doono, Puyol iyo Lorenzo ayaa saaxiibo ah mudo 12-bilood oo qura.

 photo cycling-shakira-pique_zps42779f96.jpg

labada lamaane ee ugu magaca dheer caalamka Shakira iyo Piqueayaa iyagana todobaadkan duleedka magaalada Catalunya tartan orodka dhanka baaskiilka ah wada galeen, sida meesha ka muuqato Shakira wado cad ayaa looga tagay, tolow heesadaan caanka ah aalmiinto kuma yaro ma waxay is dhahday odaygaaga niyada haka jebin!

 photo rooney31_zps42d90d6f.jpg

Qoyska reer Rooney todobaadkan waxay dalxiin gaaban ku aadeen dalka Portugal, kadib markii uu xidigan dhaawac culus kasoo gaaray madaxa sidoo kalena awoodi waayay inuu xulkiisa England u cayaaro xidigan ayaa u amba baxay magaalada xeebeedka  Quinta do Lago ee dalka Portugal si uu madaxa usoo dajisto sidoo kale xaaskiisa  Coleen Rooney ayaa ku wehlisay dalxiiskan.

 photo cristiano-flamenco-OK_zpsbf5c659c.jpg

Ugu dambeyntii Cristiano Ronaldo ayaa isna xaflad qaas ah ku qabsaday guriga uu ka dagan yahay magaalada Madrid, inkastoo heesayaal caan ah dalka Spain ku nool yihiin hadana xidigan fanaaniin ayuu dalka Brazil kasoo kaxeestay, sida sawirka ka muuqato Ronaldo wuxuu la taagan yahay gabar reer Flamengo ah caana ku ah qoob ka cayaarka xaflada heerka caalami, sidoo kale xafladan waxaa joogeen Ronaldo hooyadiis, walaashiis, xaaskiisa (Irina Shayk) walaalkiis (Hugo Aviero) iyo wiilka Ronaldo oo haatan 3-jir ah laguna magacaabo Cristiano Junior.


–>


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close