Home » Horyaalada » League 1 » Todobaadkan iyo nolosha xidigaha aduunka: Balotelli, Thuram, Neymar iyo Grathe Bale

Todobaadkan iyo nolosha xidigaha aduunka: Balotelli, Thuram, Neymar iyo Grathe Bale


Waa markale iyo barnaamijkeenii todobaadlaha ahaa oo aan kusoo qaadan jiray wax yaabihii u qabsoomay xidigaha aduunka iyo dhacdooyinka ay la kulmeen sidaa darteed todobaadkana waxaan soo qaadan doonaa dhacdooyin kala duwan oo la kala xariirtoMario Balotelli, Lillian Thuram, Neymar iyo Grtahe Bale, hadaba sheekooyinka ku saabsan xidigaha aan kor ku xusnay fadlan hoos kaga bogo.

balo-nap-2

Mario Balotelli oo fursad u helay inuu soo dukaameesto kadib ganaaxii la saaray: Super Mario ugama darin in sedex kulan oo ganaax ah garka loo galiyay waayo weeraryahankan ayaa ka nastay tababarkii kooxdiisa Milan wuxuun todobaadkan fursad u helay inuu kasoo dukaameesto bartamaha magaalada Milan.

Super Mario wuxuu qaatay gaarigiisa Ferrari-ga casaanka ah waxaana dukaameesigan ku wehlisay saaxiibtiis, Fanny Neguesha sidoo kalena wadooyinka Milan ayay waqtii badan ku qaateen ayagoo hadba goob ka dukaameesanaayay ama shaah ka cabaayay!

balo-nap-3

Inta badan dadka reer Milan ayaa xidigan kusoo xuumayeen sidoo kalena su’aalo weydiinayeen, inkastoo Super Mario ganaax kooxdiisa kaga maqan yahay hadana sheko dheer ayuu la wadaagay dadkii uu wadooyinka Milan kula kulmay hadii su’aal dhibeyso la weydiiyana waxaana ibta badan ka jawaabeesay saaxiibtiis reer Belgium.

Lillian Thuram oo mashaqo qoorta la galay kadib markii lagu eedeeyay inuu xaaskiisa jirdilay:

Thuram waa halyee kubada cagta si weyn looga qadariyo sidoo kalena dad weynaha reer France agtooda sharaf ka leh madaama uu xulkiisa guulo taariikhi ah la qeebsaday hadana xidigan cayaaraha waa hore isaga fariistay dhibaato xoog leh ayaa todobaadkan lasoo daristay kadib markii xaaskiisa ay maxkamad ka dacweesay kuna eedeeyay inuu jirdilay!

 photo Thura3m_zps6ef7e238.jpg

Todobaadkii hore ayuu madaxweynaha reer FranceFrancoise Hollande siiyay Thuram bilad sharafeed qaali ah oo la siiyo dadka usoo halgameen France balse nasiib daro isla markiiba dhacdadan ayaa daaha laga qaaday wuxuuna haatan 41-jirkan ku sugan yahay xaalad adag madaama xaaskiisa dacwad kusoo oogtay waxaana la filaa inuu dhawaan maxkamad ku taalo magaalada Paris kasoo muuqan doono. Karine Lemarchand oo 45-jir ah ayaa ku eedeesay Thuram inuu dhibaato iyo dhaawac dhanka jirkilka ah u geestay.

Grtahe Bale oo weli guri raadis ku jiro: inkastoo laacibka aduunka ugu qaalisan si dhaqsi ah kooxdiisa cusub Real Madrid ula qabsaday hadana Bale uma suura galin inuu guri qanciyo ka helo caasimada dalka Spain sidaa darteed xidigan ayaa baadi goob ugu jiray todobaadkan oo dhan sidii uu ku heli lahaa guri uu ku nagaado.

 photo bale2_zpsdf6c4c59.jpg

Bale iyo xaaskisa  Emma Rhys-Jones, ayaa todobaadkan la arkaayay ayagoo guryo badan booqanayaan si ay mid uga xushaan balse waxaa la aaminsan yahay in dadaal farabadan kadib ay iibsan doonaan ama daki doonaan gurigii Mesut Ozil magaalada Madrid ka dagnaan jiray waxaana la isla dhex maraa in Bale uu guriga ku iibsan doono £1 million wuxuuna ku yaalaa dagmada La Moraleja ee ka tirsan Madrid.

 photo bale3_zps04b9c98a.jpg

Xaafada uu Bale damacsan yahay ayaa ah goobta au badan yihiin xidigaha Real Madrid gaar ahaan Cristiano Ronaldo ayaa isna dagan dagmadan sidoo kalena waxaa horey u dagnaan jiray isla xaafadan David Beckham sidaa darteed waa goob dhir badan oo ay inta badan dagaan dadka hantida leh.

 photo bale1_zps612074c5.jpg

Neymar oo niyada u dhisay gabar qoobka cayaarto balse guuldaro la kulantay: todobaadkan xidiga reer Brazil Neymar isagana hadal heynta xidigaha aduunka kama marno madaama uu niyad dhis weyn u sameeyay gabadha lagu magacaabo Bruna Marquezine madaama gabdhan 18-jir ah aadka ugu wanagsan guuldaro kala kulantay tartan qoob ka cayaarka ah.

BRUNA-LLORA-2-OK

Neymar oo taageero weyn u ah gabadhan ayaa lasoo xariiray wuxuuna u sheegay inay tahay gabadha qoob ka cayaarka aduunka ugu wanaagsan tolow niyad dhiska uu u sameeyay ma sababi doonaa in marka xidiga ay guuleesato

 


Close