Home » Maxaa Cusub » Todobaadkan iyo nolosha xidigaha aduunka: Bale, Pique, Roman Abromavic + Sawiro

Todobaadkan iyo nolosha xidigaha aduunka: Bale, Pique, Roman Abromavic + Sawiro



laacibka dunida ugu qaalisan Grathe Bale waxaa lagu soo dhaweeyay magaalada Madrid kadib markii Real ay ku iibsatay aduun lacageed oo gaarayo 100-milyan oo euro ah, balse xafladii lagu soo bandhigaayay laacibkan indhaha caalamka waxaa soo jiitay gabadha Bale u dhaxdo oo lagu magacaabo Emma Rhys Jones, waa gabar dhanka dhar xayeysiiska qatar ku ah sidoo kalena halmar saaxada soo gashay waxaana lagu bartay soo dhaweyntii Bale ay u fidiyeen maamulka Madrid.
005bale

 

Emma waa 23-jir halka Bale uu yahay 24-jir waxayna labadan lamaane isbarteen ayagoo waxbarashada dugisaga sare dhiganayaan, labadan lamaane waxaa u joogto gabar qurux badan oo lagu magacaabo Alba.

 photo 007bale_zps9e644096.jpg

 

 photo 002bale_zps0f9c98d2.jpg

 photo milan-supercopa-2_zps9a064f19.jpg

Milan Pique asigoo aad u dhalin yar ayaa gacanta loo galiyya Super Cup-ka Spain wuxuuna Gerard Pique doonayaa wiilkiisa inuu noqdo asigoo kale una cayaaro kooxda Barcelona mustaqbalka dheer sidoo kale hooyo Shakira iyadana waxay ku faraxsan tahay in wiilkooda koobkan gacanta loo galiyo!

 photo pilarrubio-mariamare-4_zps471faed6.jpg  photo pilarrubio-mariamare-3_zpsd9d418bf.jpg

Sergio Ramos saaxiibtiis oo lagu magacaabo Pilar Rubio,  ayaa iyadana soo bandhigtay xayeysiin ay sameeneesay, inkastoo gabadhan sidoo kalena ka shaqeyso TV-ku yaalo magaalada Madrid hadana dhawaanahan caan ayay noqotay kadib markii uu si rasmi ah usoo dhaac baxay inay xiriir la leedahay daafaa xulka Spain iyo naadiga Real Madrid Sergio Ramos.

 

 photo 003bale_zps26eccd89.jpg

ugu dambeyntiina milkiilaha naadiga Chelsea Roman Abromavic ayaa isna lagu arkay asigoo dalxiis ku joogo magaalo xeebeedka lagu magacaabo Portofono kuna taalo dalka Talyaaniga, waxaana masuulkan safarksan ku wehlisay saaxiibtiis Dasha Zhukova, madaama uu bixiyay dhamaan mushaaraadkii xidigaha Chelsea iyo macalin Jose Mourinho masuulkan ayaa fasax dheer galay sidoo kalena damacsan inuu maskaxda kusoo dajisto dalka Talyaaniga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close