Todobaadkan Iyo Iskoorada Kusoo Kordheen Premiership-ka England:
Waxaa Qoray: Zakariye Abdi Mohamed
Taariikhda: April 28, 2014

Waxaan todobaad walbo idiin soo gudbinaa iskoorada kusoo kordhaan horyaalka aduunka ugu xiisaha badan sidaa darteed kulamadii 36-aad ee la cayaaray Premiership-ka waxaa kasoo baxeen sheekooyiin xiiso badan sidaa darteed xidigaha ugu caansan horyaalkan iyo macalimiinta ku suganba isbuucan iskoor dheeraad ah ayay Premiership-ka England kusoo kordhiyeen. Fadlan hoos kaga bogo sheekooyinkan xiisaha badan:
- Macalin Jose Mourinho kooxda Liverpool 7-kulan ayuu ka badiyay Premiership-ka England waana kooxda labaad ee uu jecel yahay inuu ka hor imaado madaama uu Portsmouth sidoo kale 7-kulan ka badiyay Premiership-ka.
- Kabtan Vincent Kompany wuxuu noqday xidiga ugu safashada badan Man City marka laga hadlaayo cayaartooyda aan Britsh-ka u dhalanin wuxuuna City u saftay 178-kuan dabcan iskoorkan waxaa la wadaago Sylvain Distin oo horey Man City ugu cayaari jiray balse haatan Everton ku sugan.
- Juan Mata wuxuu noqday cayaaryahankii ugu horeeyay tan iyo sanadii 2012 kaasi oo Man United ka tirsan oo kulan badal kusoo galo sidoo kalena dhaliyo labo gool waxaana ugu dambeeay xidig sidaan oo kale sameeyo Javier Hernandez!
- Adam Lallana oo Southampton khadka dhexe ugu cayaaaro wuxuu Premiership-ka ka dhaliyay 9-gool kaliya Steven Gerard oo khadka dhexe ka cayaaro ayaa xili cayareedkan ka gool badan.
- Wayne Rooney wuxuu xili cayaareedkan ku lug lahaaday 27-gool asigoo dhaliyay ama dhiibay Premiership-ka England, waxaa xusid mudan in xili cayaareedkii 2011/12 wuxuu dhiibay ama dhaliyay 30-gool!
- Branislav Ivanovic waa daafaca kaliya ee Premiership-ka England ka dhaliyay 10-gool sidoo kalena 10-kubadood dhiibay laga soo bilaabo sanadii 2009 waxaana iskoorkan la wadaago Leighton Baines oo garabka bidix ee daafaca Everton kaga cayaaro.
- Goolhaye Ben Foster oo ka tirsan naadiga West Brom wuxuu bad baadiyay 6-rigoore laga soo bilaabo August 2010 mana jiro mudadaas goolhaye intaas rigoore bad baadiyay ama la qeebsaday iskoorkan u gaarka ah.
Like this:
Like Loading...