Ma Jirtaa naadi celin karto kooxda Chelsea ayay haatan dooda taagan tahay madaama Blues ay markale koox awood badan iska reebtay waayo todobaadkan Chelsea waxay 2-1 ku qaarijisay kooxda Liverpool.
Sidoo kale kooxda Man City oo la islahaa Chelsea way la tartami kartaa iyadana markale ayaa taako loo dhigay, haka reebin Arsenal oo dhaawanahan guusha ku raaxeesaneesay iyada Swansea City ayay dharbaaxo kulul kala kulantay.
Balse garoonka Old Trafford war wanaagsan ayaa kasoo yeeray madaama Man United guul muhiim ah gaartay.
Hadaba waxaan idiin heyntaa todobaadkan iyo xidigaha wacdaraha ka dhigeen Premiership-ka England.
Waxaana todobaadkan la cayaaray kulamadii 11-aad horyaalka aduunka ugu xiisaha badan, fadlan hoos kaga bogo kooxda isbuucan EPL ugu wanaagsan:
Goolhaye: Brad Guzan (Aston Villa)
Daafaca: Daryl Janmaat (Newcastle), Ron Vlaar (Aston Villa), Fabricio Coloccini (Newcastle), Ryan Bertrand (Southampton)
Khadka dhexe: Gylfi Sigurdsson (Swansea), Jefferson Montero (Swansea), Alexis Sanchez (Arsenal)
Weerarka: Charlie Austin (QPR), Sergio Aguero (Manchester City), Shane Long (Southampton)