Inkastoo todobaadkan kooxaha Man United iyo Man City ay dib ugu soo laabteen wadadii guusha hadana todobaadkan natiijooyin lala yaabay ayaa kasoo baxeen Premiership-ka wayo naadiga West Ham United ayaa ka yaabsatay Tottenham kadib markii ay 3-0 cagta ku marisay sidoo kale Arsenal ayaa taako loo dhigay markii ugu horeesay xili cayaareedkan kadib markii 5-kulan oo xariir ah guuleesatay haka reebin Liverpool ayaa iyadana u suura gashay inay hogaanka wax ka qabato halka Chelsea guushii ay gaartay u suura galisay inay kaalinta 3-aad oo fariisato hadaba waa kuwaan 11-ka xidig ee ugu wanaagsan Premiership-ka Isbuucii 7-aad:
Goolhaye: ARTUR BORUC (Southampton)
Ma ogtahay in goolhaye Boruc aanan wax gool ah laga dhalinin 5-kulan oo ka mid ah Premiership-ka xili cayaareedkan!
Daafaca: BRANISLAV IVANOVIC (Chelsea), WINSTON REID (West Ham), JOHN TERRY (Chelsea), KIERAN GIBBS (Arsenal)
Ma ogtahay in Ivanovic uu yahay xidiga ugu safashada badan Blues xili cayaareedkan Premiership-ka wuxuuna cayaaray 3,574-daqiiqo!
Khadka dhexe: CLAUDIO YACOB (West Bromwich Albion), OSCAR (Chelsea), ADNAN JANUZAJ (Manchester United)
Ma ogtahay in Adnan uu yahay cayaaryahankii labaad ee Man United kulankiisii ugu horeesay ee lagu soo bilaabo Premiership-ka labo gool dhaliyo waxaana iskoorkan horey u heestay halyee Ruud van Nistelrooy.
Weerarka: LOIC REMY (Newcastle), DANIEL STURRIDGE (Liverpool), LUIS SUAREZ (Liverpool)
Ma ogtahay in Suarez uu dhaliyay ama dhiibay 19-gool ee ugu dambeesay 19-kulan oo Premiership-ka ah.