Waxaa la cayaaray kulamadii 36-aad horyaalka England maalmihii sabtigii iyo axadii aan kasoo gudubnay dabcan fajicii ugu weynaa wuxuu ku habsaday naadiga Liverpool oo isku diyaarineesay hanashada Premiership-ka balse Chelsea ayaa dabaal dagii Reds mugdiu badashay markii 2-0 Liverpool looga naxsaday naadiga Man City ayaa sidoo kalena gaabiskii Liverpool ku habsaday ka faa’ideesatay haatana horyaalka waa mid furan inkastoo 2-kulan ka harsan yahay, hadaba waxaan idiin heynaa todobaadkan shaqsiyaadka wacdaraha ka dhigeen Premiership-ka England fadlan hoos kaga bogo:
Goolhaye: Ben Foster (West Bromwich Albion)
Daafaca: Nathaniel Clyne (Southampton), Branislav Ivanovic (Chelsea), Vincent Kompany (Manchester City), Ashley Cole (Chelsea)
Khadka dhexe: Yaya Toure (Manchester City), Juan Mata (Manchester United), Nemanja Matic (Chelsea), Adam Lallana (Southampton)
Weerarka: Wilfried Bony (Swansea), Wayne Rooney (Manchester United)