Kulamadii 8-aad ee horyaalka England ayaa todobaadkan la cayaaray waxaana weli la celin yahay kooxda Chelsea oo guuleesatay haatana 5-dhibcood EPL ku horkaceyso.
Sidoo kale Sergio Aguero ayaa wacdaro dhigay madaama uu 4-gool ka dhaliyay naadiga Tottenham, halka kooxda Liverpool iyadana kulan waali ah 3-2 kaga adkaatay kooxda QPR.
Geeska kale kooxaha New Castle, West Ham , Stoke, Everton iyo Southampton ayaa guuleesteen halka Arsenal iyo Man United iyadana bar bar dhac lama filaan ah ay galeen kulamadii ay cayaareen.
Hadaba hoos kaga bogo todobaadkan iyo 11-ka xidig ee ugu wanaagsan Premiership-ka England:
Goolhaye: JOE HART (MANCHESTER CITY)
Daafaca: SEAMUS COLEMAN (EVERTON), MARTIN SKRTEL (LIVERPOOL), PHIL JAGIELKA (EVERTON), LEIGHTON BAINES (EVERTON).
Khadka dhexe: NEMANJA MATIC (CHELSEA), CESC FABREGAS (CHELSEA), DUSAN TADIC (SOUTHAMPTON), RAHEEM STERLING (LIVERPOOL), ALEXIS SANCHEZ (ARSENAL).
Weerarka: SERGIO AGUERO (MANCHESTER CITY)