Horyaalka Talyaaniga waxaa la cayaaray kulamdiisii 2-aad waxaana weli hogaanka ku dhagan naadiga Juventus oo damacsan inay ku guuleesato Serie A-da markii 3-aad oo xariir ah balse kooxaha Napoli, Fiorentina iyo Inter Milan ayaa diidan inay Juve isaga haraan madaama dhamaantood wada guuleesteen labadii kulan ee ugu horeesay. Guud ahaan waa kuwaan 11-ka xidig ee Serie A-da ugu wanaagsan:
Goolhaye: Andrea Consigli (Atltanta)
Daafaca: Hugo Campagnaro (Inter Milan), Guglielmo Stendardo (Atlanta), Danilo (Udinese)
Khadka dhexe: Marek Hamsik (Napoli), Arturo Vidal (Juventus), Borja Valero (Fiorentina), Emmanuel Badu (Udinese), Jonathan (Inter Milan).
Weerarka: Rodrigo Palacio (Inter Milan), Giuseppe Rossi (Fiorentina)