Thomas Muller ayaa kooxdiisa Bayern Munich ka caawiyay inay hogaanka Bubdesligaha ku qabato 7-dhibcood kadib markii uu xidigan Hat trick ama sedexley ka dhaliyay naadiga Eintracht Frankfurt cayaar Bayern guusha ku raacday 4-0.
Kulankan xiisaha badanayaa ka dhacay garoonka Commerzbank-Arena ee naadiga Frankfurt balse geesiga garoonka waxaa noqday Muller oo soo bandhigay qaab cayaareed aad loola dhacay.
Muller ayaa goolkiisa 1-aad dhaliyay daqiiqadii 22-aad wuxuuna baas wanaagsan ama caawinaad ka helay Franck Ribery.
Qaybtii hore waxaa lagu kala nastay Bayern 1-0 ku horkaceyso balse marii la isku soo laabtay Muller ayaa labeestay daqiiqadii 64-aad wuxuuna markale caawinaad ka helay saaxiibkiis Ribery.
Muller ayaa nasiino u diiday kooxda Frankfurt wuxuuna dhaliyay goolkiisii 3-aad daqiiqadii 67-aad waxaana markaana goolka siiyay ama u baasay kubad dhex ka dhiib ah Mario Gotze.
Xherdan Shaqiri oo isagana badal kusoo galay ayaa cayaarta soo afjaray daqiiqadii 86-aad wuxuuna ka dhigay kulankan 4-0 oo ay Bayern guusha ku raacday.
Wiilasha macalin Pep Guardiola 11-kulan oo ay cayaareen Bundesligaha Jarmalka xili cayaareedkan marnaba dhinacooda dhulka lama dhigin haatana waxay ka sareeyaan kooxda kaalinta 2-aad ku jirto Monchengladbach 7-dhibcood sidaa darteed waxaa muuqato in Pep iyo kooxdiisa xili cayaareedkan si sahlan Bundesligaha ku difaacan doonaan.