Home » Maxaa Cusub » Thomas Muller Oo Ka Farxiyay Kooxda Man United

Thomas Muller Oo Ka Farxiyay Kooxda Man United


Muller (2)

Xidiga ka tirsan xulka Jarmalka iyo kooxda Bayern Munich ayaa go’aankiisa badalay wuxuuna sheegay inuusan Munich baaqi kusii ahaan doonin xagaagan hadii uusan macalin Pep Guardiola boos joogto ah u balan qaadin, inkastoo weeraryahankan uu horey u sheegay inuusan Bayern ka tagi doonin sidoo kalena iska diiday dalab ay kooxda Man United usoo dirtay ayaa haatan dib u fikiray wuxuuna yiri

“Bayern waa koox igu weyn balse haatan isbadal xawl ku socdo ayaa naadiga ka dhex jiro sida darteed waxaan doonayaa in doorkeyga la ii kala cadeeyo waayo ma doonayo inaan kursiga keydka fariisto sanadaha nagu soo fool leh sidaa darteed waxaan ka rajeynaa macalin Pep Guardiola inaan ka heli doono jawaab aan ku qanco”

Thomas Muller ayaa ka warqabo xiisaha uu u haayo macalin Luis Va Gaal oo dhawaan hogaanka kooxda Man United la wareegay sida darteed xidigan tayada wanaagsna wuxuu diyaar u yahay inuu Old Trafford usoo guuro hadii uu damanaaqaad rasmi ah ka waayo Pep Guardiola.

Sidoo kale Muller ayaa saxaafada u sheegay marka uu koobka aduunka kasoo laabto uu la kulmi doono masuulka Bayern ugu sareeyo Karl-Heinz Rummenigge wuxuuna yiri

“Aniga ma ihi cayaaryahan go’aan madaxiisa ka gaaro marka aan koobka aduunka soo dhameesto ayaa kulan la qaadan doonaa Mr. Karl-Heinz Rummenigge waayo ma doonayo inaan ka careysiiyo maamulkeyga sharafta leh waxaana rajeynaa xal lagu wada qanco inaan wada gaari doono”

Ugu dambeyntii Muller hadalka kasoo yeeray waxaa siweyn usoo dhaweesay naadiga Man United oo haatan aaminsan inay xagaagan saxiixa xidigan ku guuleesan doonto.

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Waa Tifaftiraha & Madaxa Shaqaalaha Shabakadda Ciyaaraha Hiilkubad, Sidoo kalana Waa Tifaftiraha Wargeyska Horyaal Sports ee kasoo baxa Magaalada Muqdisho.

More Posts - Website


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Close