Weeraryahanka kooxda Bayern Munich Thomas Muller ayaa si toos ah ula hadlay gudoomiyaha naadiga Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge isagoo weydiistay hadii uu aadi karo kooxda Manchester United.
Sida ay shaacisay majalada Jarmalka kasoo baxda ee The Bild Weeraryahanka ayaa albaabka u furay ku biiritaanka kooxda Manchester United isagoo dib ula midoobi doona Louis Van Gaal oo la filayo in xilka kooxda loo magacaabo isbuuca soo aadan.
Van Gaal ayaa xidigaan reer Jarmal ku maamulay Bayern Munich xili ciyaareedkii 2009-2010, wuxuuna ka mid ahaa xidigaha safka hore xiriir wanaagsan ayaana ka dhaxeeya labada shaqsi.
Dhanka kale Gudoomiyaha Kooxda Bayern Munich ayaa shaaca ka qaaday in kooxda laga fasaxi doono qof walba oo raaxo daro ku dareemaya ka mid ahaanshaha Bayern.
“Hadii xidig uu dareemo iney raaxo daro ku tahay ka mid ahaanshaha Bayern, ha iigu imaado xafiiskeygana hana igala hadlo waxa uu doonayo”
Balse Muller oo 24- kulan kaliya saftay Bundesliga isla markaana 8-kulan kasoo muuqday Champions League ayaa dareemaya in Pep Guardiola uusan aaminsaneen, iyadoo intaas ay u raacdo in kaliya 18-kulan oo qura uu dhameystay 90-ka daqiiqo ee ciyaarta.
Muller ayaa 25-gool dhaliyay kooxdiisa xili ciyaareedkaan tartamada oo dhan waxaana ku jira gool uu ka dhaliyay Manchester United wareegii quater finalka ee tartanka Champions League.
Heshiiska uu Muller kula jiro Bayern ayaa ku eg 2017-kan, balse xidigaan heshiiskisa waxaa lagu jabin karaa (£37 Malyan oo Euro).
Ugu dambeyntiina kooxda Man United ayaa gacanta ka saari doonta Van Gaal 200 Malyan Oo Euro uu dib u habeyn ugu sameeyo naadiga hadii loo magacaabo xilka.